Jacbur vs Lion's Cantarabaqash!
Posted: Tue Sep 06, 2005 9:34 am
Lion,
Waxa aan ka yaabay kolkaad tidhi" Ma fahmin waxa aad soo qortey".
Labadeena midna gabayga ma yaqaan. Anna waxa aan qorey waa jacbur, adna waa canatarbaqash.
Marka su'aashaydu waxay tahay; How did you expect people to understand your Canatarabaqash;
Madaxa iyo Mindhicirga Malax ha idinka gashee
Maxaa idinku Mashquuliyay qabyaalad iyo waxaa macno leheen.
Majerteen iyo Mareexaan waa isku Muqaal ee, Maxaa Murugtan idin galiyay
Malikul quduuskaan ku dhaartee, Miisaanka aakhira baan idin sugi.
Muslim iska dhigee kuwa soo koraya wax fiican u Muujiya.
Meeshan Majaajilo baan unimiyee, eed Maad ka joogtaan Marqaankan.
Macluumta baad baratiin ood wadiinkana Maamulatiin. Mareykan weligii
Lama joogi, maa baraarugtiin.
Maalin baan Alle ka baryi inuu Miirka nagu soo celiyo sidaan
Muqdisho ugu laabano.
If you can't understand my jacbur?
Lionow I dhegeyso,
Luuqaddaadii garan waayey,
Liqi waayey warkaaga.
Waddankeygu luulkiyo,
Lacagtaa adduunyada,
Wuu igala weynayahay,
Laabteyduu ku yaalaa,
Laylkii habeenkii,
Luguuyada dul taala,
Kama ledo walaahiye,
Laydh caafimaad iyo,
Ladnaan inuu ku waaraan,
Ladiifka uga tuugee,
Language-kaaga Ilaali!!!
Have a good day