Shirkii walaalaha Beesha Leelkase iyo Galmudug (DAAWO) VIDEO

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

User avatar
1moonlight
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 969
Joined: Sat Jan 29, 2011 4:32 pm
Location: Guriga Jid Cadaha Saaran.

Shirkii walaalaha Beesha Leelkase iyo Galmudug (DAAWO) VIDEO

Post by 1moonlight »

Image





Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin iyo wasiiro sarsare ee ka tirsan dowladiisa ayaa waxay kulan xasaasi ah la qaateen madax, odoyaal iyo aqoonyahano ka soo jeeda Galbeed Mudug ahna beesha Leelkase Daarood.

Shirkaasi Xasaasiga ah ayaa waxaa uu ka dhacay Magaalada London ee cariga Ingiriiska waxayna ku heshiiyeen in maamulka Galmudug la balaariyo, beesha Leelkase oo dagaal xoogleh la gashay maamulka uu hogaamiyo faroole ayaa hada waxay si buuxda u taageereen maamulka Galmudug waxayna sheegeen in ay ka qayb qaadan doonaan sidii loo kobcin lahaa maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah aqoonyahanada beesha Leelkase ayaa sheegay in Galmudug noqon doonto maamulka isku keeni doona Soomaalida oo idil hadii ujeedooyinka la hiigsanayo laga miro dhaliyo.

dhanka kale madaxweynaha Galmudug Maxamed Caalin ayaa isna wuxuu saxaafada u sheegay in ay si toosa iyo si dadbanba u wada shaqayn doonaan dadka kasoo jeeda Galbeed mudug kuna heshiiyeen sidii la isaga kaashan lahaa hor u marka Gobolka, waxaa kale oo madaxweynuhu intaa raaciyay in maamulka Galmudug iyo Galbeed mudug wada shaqayn doonaan soona dhaweynayaan cidwalba oo wanaagrabta ”wixii wanaagan soomaalinimo rabtana waan soo dhaweynaa; wixii aan rabina waan ka tagaynaa isagaa baska ka dhacaya” waxaa hadalkaa yiri madaxweynaha Galmudug.

mr caalin ayaa waxaa halkaasi lagu gudoonsiiyay shahaadada nabada 2011.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Shirkii walaalaha Beesha Leelkase iyo Galmudug (DAAWO) V

Post by TheblueNwhite »

Yeah right!
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Shirkii walaalaha Beesha Leelkase iyo Galmudug (DAAWO) V

Post by AbdiWahab252 »

BluenWhite,

Whats your beef ?
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Shirkii walaalaha Beesha Leelkase iyo Galmudug (DAAWO) V

Post by TheblueNwhite »

Somethings are too good to be true bro. No beef at all.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”