Page 1 of 1

30 Houses destroyed by heavy rains in Gedo

Posted: Sun Oct 16, 2011 2:31 pm
by XimanJaale
Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo ayaa sheegaya in maanta shacabka Soomaaliyeed ee reer Gedo aysan kasoo bixin guryahooda, sababtuna waxay tahay ayada oo ay u da’een roobab mahiigaan ah oo lagu diirsaday.
Roobabkaasi ayaa hakiyey isku socodka dadka iyo gaadiidka deegaanada gobolka Gedo, taasoo sababtay in dadku aanu guryahooda ka soo bixin tan iyo xalay ilaa iyo maantay.
Waxaa la tilmaamay in roobabkaasi mahiiganka ahi ay sababeen burburka in ka badan 30 guri oo ku yaala deegaanada gobolkaasi, iyadoo ay wali si xoog ah ku socdaan roobabkaasi.
http://www.allgedo.com/2011/10/16/dadka ... uryahooda/

Re: 30 Houses destroyed by heavy rains in Gedo

Posted: Sun Oct 16, 2011 2:43 pm
by Mr_Alfaas
Alle wax ka kheyr badan ha ugu badalo...ameen...