Page 1 of 1

I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 6:54 am
by AhlulbaytSoldier
SHEEKH XASAN TURKI: "Kenya waxay kusoo xadgudubtay dalkeena, waxayna dareemi doontaa xanuunka xabadda"

Isniin, Oktoobar 17, 2011 (HOL) − Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki) oo ka mid ah saraakiisha sar-sare ee Xarakada Al-shabaab ayaa sheegay markii ugu horreysay inay Kenya la geli doonaan dagaal ay ku dhadhansiiyaan dhibta iyo xanuunka xabaddu leedahay.


Sheekh Xasan C/llaahi Xirsi (Sheekh Xasan Turki)

Dowladda Kenya ayaa ciidamadeeda gudaha u gelisay Soomaaliya shalay, kaddib markii ay maalin ka hor ku dhawaaqeen markii ugu horreysay dagaal ay la galayaan Xarakada Al-shabaab oo muddo dheer ka talinaysay deegaannada ku dhow xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya.

"Kenya waxay kusoo xadgudubtay xuduudda xaqa ah ee Soomaaliya ay leedahay, waxayna soo galeen dhulkeenna barakeysan, laakiin dib ayaan u celin doonnaa, hadii ALLE yiraah," ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo wareysi siiyay AFP.

"Mujaahidiintu waxay la dagaalami doonaan ciidamada Kenya, waxayna dhadhansiin doonaan xanuunka xabadda," ayuu hadalkiisa raaciyay isagoo aan sheegin halka uu xilligan kaga sugan yahay Soomaaliya.

Afhayeenka dowladda Kenya, Alfred Mutua ayaa sheegay in ciidamadoodu ay u gudbeen Koonfurta dalka Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Al-shabaab, isagoo sheegay inay mas'uul ka ahaayeen weerarro lagu soo qaaday dalkooda, kuwaasoo ay ku jiraan afduubyo loo geystay dad ajnabi ah.

"Waxaan ugu baaqayaa Soomaalida oo dhan inay u istaagaan sidii ay isaga difaaci lahaayeen cadowga soo galay dalkooda," ayuu yiri Sheekh Xasan Turki oo horay u ahaa guddoomiye ku xigeenka ururkii Xisbul Islaam ee ku biiray Al-shabaab, isagoo muddo dheer carbisyo ku lahaa deegaannada ku dhow soohdinta u dhexeysa Kenya iyo Soomaaliya.

Ciidamada Kenya ayaa gacan ku siinaya ciidamada DKMG ah iyo kuwa Raaskambooni ee ku sugan Koonfurta fog ee gobolka Jubbada hoose, kuwaasoo qorshahoodu yahay inay dagaal ku qabsadaan illaa magaalada Kismaayo.


Looks like his Jailers treat him good :down:

Re: I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 7:53 am
by waryaa
they could just secure their borders.. i see this as a lame excuse to invade and possible annex parts of somalia... let's see how this endeavor plays out.

Re: I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 7:56 am
by Voltage
waryaa wrote:they could just secure their borders.. i see this as a lame excuse to invade and possible annex parts of somalia... let's see how this endeavor plays out.
You say this like it is negative sxb :clap:

Re: I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 8:03 am
by waryaa
lol - voltage. another invasion is the last thing we need... Foreign troops commit some of the worst human rights abuses.

Re: I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 8:09 am
by abdisamad3
waryaa wrote:lol - voltage. another invasion is the last thing we need... Foreign troops commit some of the worst human rights abuses.
I looked up what that means in the Somali dictionary, it says progress and peace,

Re: I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 9:16 am
by Hyperactive
yep, some soma;is call it progress and protecting somalis!!

Re: I though Xasan Turki was dead

Posted: Mon Oct 17, 2011 9:17 am
by abdisamad3
hyperactive wrote:yep, some soma;is call it progress and protecting somalis!!
:lol: