Baled-Xaawo iyo Badhaadhe oo ciidamo Kenyaani ka gudbeen
Posted: Mon Oct 17, 2011 9:58 am
Baled-Xaawo iyo Badhaadhe oo ciidamo Kenyaani ka gudbeen
Published: October 16, 2011
Kn:Ciidamo Kenyaan ah oo tiro badan oo ku qalabaysan gaadiidka gaashaaman ayaa maanta u talaabay magaalooyinka Badhaadhe iyo Baled-Xaawo.
Dadka ku dhaqan magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose ayaa barqinnimadii maanta ku soo anfariiray gaadiidka dagaalka iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca oo si aan laga sii war hayn isugu gadaamay magaalada.
Sidoo kale magaalada Baled-Xaawo oo ay gacanta ku hayaan ciidamada Huwanta ee Ahlu Sunna iyo kuwa DKMG ayaa waxaa gaaray ciidamo Kenyaan ah oo ku jooga gaadiidka dagaalka kuwaasi oo ka talaabay magaalada Mandheera.
Lama oga inay horay u sii socon doonaan iyo in kale ciidamada Kenya ee maanta soo gaaray magaalada Badhaadhe ee gobolka Jubbada Hoose iyo magaalada Baled-Xaawo ee gobolka Gedo. Waxaa ayana jira warar aan la hubin oo sheegaya in ciidamada badda ee Kenya ay la wareegeen gacan ku haynta magaalada xeebta ee Raas Kaambooni.
Arimahan oo dhan waxay ku soo beegmayaan xili ay dawladda Kenya ku dhawaaqday inay dagaal toos ah la galayso Xarakada Alshabaab oo inta badan gacanta ku haysa gobollada sii Koonfureed ee dalka isla mar ahaantaana lagu tuhunsanyahay inay falal afduub ah ka gaysteen gudaha Kenya.
KN