Page 1 of 1

General Dhuumaal: We will be munching quule in Kismaayo soon

Posted: Mon Oct 17, 2011 11:23 am
by XimanJaale
Gen Dhuumaal:-''Kismaayo ayaa noo xigta howlgalkeena''

Gedoweb Online Gedo on Monday, October 17 @ 09:55:26 EDT

Mid kamid ah saraakiisha ciidamada dowladda KMG ee gobollada Jubbooyinka ayaa shaaca ka qaadday in ciidamadoodu ku fool leeyihiin magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada hoose kadib markii ay la wareegeen si nabadgelyo ah degmada Afmadow.


Gen: Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) oo horay u ahaa taliyihii ciidamada xoogga dalka Somalia, haddana xubin ka ah ragga hormuudka ka ah dagaallada Jubbooyinka ayaa sheegay in ciidanka dowladda iyo kuwa Raaskaambooni ay howlgalkoodu ku wajahan yahay si taxadar leh Kismaayo, isagoo intaas ku daray in rajadoodu tahay in ay si buuxda ula wareegaan magaalada iyadoo uusan wax iska caabin ah ka hor-iman.


''Nimankaan carruurta marin habaabiyo waan ka xoreyneynaa Jubbooyinka oo dhan, howlgalkana wuu sii socon doonaa oo Kismaayo ayaa xigto'', ayaa kamid ahaa hadalkiisa isagoo la wareystay.
:clap:

Inkastoo Dhuumaal sidan sheegayo haddana Shabaab ciidamo xoog leh ayey keeneen deegaanka Birta Dheer loo yaqaano oo 60Km dhanka galbeed Kismaayo kaga beegan, islamarkaana kala bara Afmadow iyo Kismaayo, waxay sidoo kale ciidamo dhigeen deegaannada laga soo galo magaalada.


Ciidamada dowladda uma suurtageli karto in ay si fudud u qabsadaan Kismaayo iyadoo ay ciidan joogaan Birta Dheer, laakiin haddii sidii Afmadow ka dhacday ay ka baxaan halkan waa macquulgal ayaa la'leeyahay in ay u gudbaan magaalada.


Dadka ku dhaqan Kismaayo ayaa haatan wadnaha farta ku hayo, waxayna ka cabsi qabaa in uu dagaal kale qabsado, iyadoo dhagahooda uu ka soo yeeriyo dagaalkii laba sano ka hor gudaha magaalada ku dhexmaray Shabaab iyo maleeshiyadii Axmed Madoobe.

Gedoweb News Desk

Gedowebnews@gmail.com

Re: General Dhuumaal: We will be munching quule in Kismaayo

Posted: Mon Oct 17, 2011 8:26 pm
by Based
wtf is quule?