Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the street

Daily chitchat on Somali politics.

Moderator: Moderators

AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the street

Post by AhlulbaytSoldier »

Dagaalkii Dayniile oo Qaboobay, Dawladda iyo Al shabaab oo Guullo ka Sheegtay iyo Askar Looga Laayey AMISOM [ Sawirro ]






Muqdisho ( DHM-News ):- Waxaa istaagay dagaalkii cuslaa ee maanta degmada Dayniile ku dhexmaray Ciidamada Dawladda KMG ah oo kaashanaaya kuwa AMISOM iyo kuwa xarakada Al shabaab ee kasoo horjeeda.

Dagaalkii maanta ayaa ahaa mid xooggan oo ay saaka wakhti hore ay degmada Dayniile ku qaadeen Ciidamada Dawladda KMG ah iyokuwa AMISOM waxaana ka dhashay khasaare kala duwan oo soo kala gaaray labada dhinac iyo dadka rayidka ah.

Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ayaa dagaalkii maanta kula wareegay deegaano badan oo kamid ah degmada Dayniile halkaasi oo ay markii hore ku sugnaayeen Ciidamada Al shabaab.

Goobaha ay maanta la wareegeen Ciidamada AMISOM ayaa waxaa kamid ah Xaafadaha Bangala, Xaruntii Degmada, Xaafada Tiida, Saldhiga Dayniile iyo goobo kale oo dhammaanba ka tirsan degmada Dayniile, waxaana Ciidammada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay fariisimmo cusub ka sameysteen Isgoyska Dayniile.

Abaanduulaha Ciidamada Dawladda KMG ah ee Soomaaliya Gen C/kariin Dhega Badan oo warbaahinta kula hadlay jiidda dagaalka ayaa waxa uu sheegay in dagaalkii maanta ay kula wareegeen inta badan ee degmada Dayniile isla markaana ay iminka gacanta ku hayaan inta badan ee degmadaasi.

Waxa uu intaasi ku daray in dagaalku sii socon doono ilaa Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ay la wareegaan guud ahaanba magaalada Muqdisho isla markaana ay ka saaraan Al shabaab.

Dhanka kale Afhayeenka dhanka Ciidaamda ee xarakada Al shabaab Sheekh C/casiis Abu Muscab ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii maanta ka dhacay degmada Dayniile, wuxuuna sheegay in Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa AMISOM ay jab xooggan ugu geysteen dagaalkii saaka oo Al shabaab lagu soo qaaday.


Waxa uu intaasi ku Abu Muscab in dagaalkii maanta ay Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM ay kaga dileen askar ka badan kuwaasi oo 13-kamid ah maydkooda hayaan dhowaana ay warbaahinta usoo bandhigi doonaan isaga oo sidoo kale sheegay in ay dagaalka ku qabsadeen hub isugu jira noocyo kala duwan.

Dagaalkii maanta ayaa kamid ahaa dagaaladii ugu xoogganaa ee labada dhinac ku dhexmara magaalada Muqdisho, waxaana arroorimadii saaka qaaday Ciidamada Dawladda iyo kuwa AMISOM.

Inkastoo dagaalkii maanta dhul badan looga qabsaday Al shabaab ayaa hadana waxaa uu khasaare ballaaran kasoo gaaray Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa AMISOM oo ay shabaabku u dhexgaleen dhir badan oo xirtay degmada Dayniile.

Sikastaba dagaalkii maanta ka dhacay degmada Dayniile ayaa qayb ka ah dagaallo ay muddooyinkan Ciidamada Dawladda KMG ah iyo kuwa AMISOM Al shabaab kula galeen inta badan degmooyinka gobolka Banaadir.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the st

Post by AhlulbaytSoldier »

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the st

Post by AbdiWahab252 »

Afarqoble now get a taste of their own medicine.
AhlulbaytSoldier
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 20301
Joined: Fri Feb 08, 2008 4:50 am
Location: Persian Empire

Re: Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the st

Post by AhlulbaytSoldier »

O student of Ayatollah Abdi Qeybdiid,
This man(Aweys) crossed the line, made brothers(hutus) become enemies, pissed on the graves of the pious scholars and he does not listen to his family members( Axmed Daahir Aweys) so how should we treat him when he is captured?
User avatar
Talo alle udaa
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2739
Joined: Thu Apr 16, 2009 4:03 pm
Location: Evaluating the African mind

Re: Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the st

Post by Talo alle udaa »

Sheekooy ku nacay, Hutu u were always too hasty in ur judgement. Ciyaari wa gelin danbe ma maqashey. The Brundians were annihilited.
User avatar
TheblueNwhite
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11301
Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
Contact:

Re: Shabab apostates loses Dayniile, their deads fill the st

Post by TheblueNwhite »

Image
Image
Image
Image
Image
Image

TFG :som: :som: :som: :up: :up: :up: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - General Discussions”