Kadib markii ay warbaahinta Dhacdooyinku Baaritaan dheer ku samaysay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Dayniile ee Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sida ay ogaatay Dhacdooyinka.Com la xaqijiyay in Dagaalkaasi uu khasaarihi ugu badnaa ka dhashay Iyadsoo Amisom ay dagaalkaasi uga geeriyoodeen ku dhawaad 100 askari halka Al shabaab ay ku weysay dagaal yahanin gaaraya ilaa 400 oo dagaal yahan ku waasi oo dhawaanahaanba ay ka soo ururuniyeen Gobolada ay maamusho Al shabaab.
wararka dheeraadka ah ee ay warbaahinta Dhacdooyinku heshay ayaa waxaa kale oo ay tilmaamayaan in Dagaalka goobta uu ka dhacay oo ahayd goob banaan oo aan ladaganayn ay keentay in khasaaruhu intaa gaaro iyadoo ciidamada dawlada ay u suurto gashay in ay maanta galinki hore la wareegaan Saldgigyo muhim u ah Al shabaab oo ay kamid tahay Saldhiga Degmada Dayniile gobo kamid ah saldhigii weynaa ee Maxamad Qanyare Afrax iyo goobo kale.
IFRAME Embed for Youtube
Inkasta oo ay Al shabaab soo bandhigtay Maydadka Cidamada Amisom oo ku dhaw 10 qofood ayaan hada la arki Maydadka Al shabaab maadaama aanay al shababa ku dagaalgalin Uniform milatari oo u gaar ah, waxaana Mas uliyin ka tirsan Al shabaab ay saxaafada hortooda ku soo bandhigeen tirada Askarta iyago mid mid u tirinayay si ay ugu xaqijiyaan saxaafada.
IFRAME Embed for Youtube
Kasokoow inta laga arkay saxaafada ayaa hadana tafatiraha warbaahinta Dhacdooyinku waxaa uu si gaar ah ula xiriray dadka deegaanka iyo Qaar kamid ah saxafiyinta ka hawlgala Magaalada Muqdisho waxaana ay dhamaantood isku raaceen in Cidamada Amisom ee ay maydadkooda ku sobandhigeen Deegaanka calamada xarakada Al shabaab ay ahaayeen Amisom oo aanay ku jirin wax ka tirsan Ciidamo Somaali ah.
IFRAME Embed for Youtube
Waxaa kale o ay dad gobjoogayaal ah o ku dhawAl shabaab xaqiijiyeen in Al shabaab ay dagaalki Maanta ku weysay Askar muddo ay ururinayeen oo gaarayay ilaa 400 ( Afarboqol) taasina waxaa ay ku tusinaysaa khasaaraha dhabta ah ee maanta ka dhashay dagaalkii maanta iyo sida labada dhinac ay isugu riqmeen.
Guys this is no lie, dhacdooyinka is lately more reliable source than jowhar and shabelle combined.
That is what i call a true battle.

