galgacio recover from the recently accident

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

galgacio recover from the recently accident

Post by FBISOMALIA »

Gaalkacyo(Puntlandi.com) Bilowgi bishan tan iyo markii lagu dhawaaqey in heshiis rasmi ah laga gaarey Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa ha isla markiba soo baxey in heshiiskaas uu caga jid ku jiro, iyadoo eeda hal dhinac loo badinayey, waxaase markiba bilowdey in la fuliyo qaar kamid ah qodobadii lagu heshiiyey, oo ay kamid ahaayeen in jidgooyooyinka la qaado kantaroolkana lagusoo wareejiyo Dowlada.

Waxaase markiiba bilowdey isbadal lid ku ah Qodobadii lagu heshiiyey, waxaana soo ifbaxey in Qodobadaan aan sidii loogu talagaley aan loo fulin, Ilaa hada Kantarool lasoo wareejiyey ma jiro, waxaana wali kantaroolka Gacanta ku haya Maleeshiyaadkii horey u heystey.

Waxaa iyana soo baxey warar lagu kalsoon yahey oo sheegaya in dhinaca Dowlada ay aad uga rajo xumaayd heshiiskaas lasheegey in lagaarey, waxaana heshiiska wadey Odayaasha magaalada oo ay Dowladu ku qancineysey bal iney ka sal gaari karaan howshaan. iyo in kale.

Hada waxaa xaqiiqoowdey in Odoyaashii magaalada ay ka daaleen iney xal rasmi ah u raadiyaan Magaalada, halkaasna uu ku burburo heshiiskii lasheegey in lagaarey, Waxaase aan ilaa hada la garaneyn mowqifka Dowlada iyo Qorshaha ay ku dhaqaaqi doonaan, dhinaca Garowe oo aan isku deyney inaan jawaabo ka helno way suura gali waydey oo nin walba waa ka gaabsadey inuu tafaasiil ka bixiyo Qorshaha Dowlada, waxaanse si hoose ku helney in Dowladu ay Qorshe rasmi ah wado qorshahaaso ahaa mid ay Dowladu jeebka ku heysatey tan iyo markii Odoyaasha Gobolka Mudug ay bilaabeen Nabadeynta, iyadoo xiligaas ay Odoyaashu codsadeen in howsha loo daayo inta ay xal ka gaarayaan.

Waxaa soo ifbaxaya Warar sheegaya in Ciidamo shisheeyo loo soo wado Galkacyo, lakin ilaa hada Dowladu war cad kama soo saarin warkaas,iskusoo duuboo maalmahaan waxaan ku mashqulsaneyn inaan la xiriirno Dowlada oo aan waydiino su’aasha xaalada Gaalkacyo iyo Qorshaha Dowladu, lakiin cid kasta waa ka gaabsatey, waxaanse helney inuu jiro Qorshe rasmi ah oo Dowladu ay wado.

Puntlandi.com

Garowe/Gaalkacyo
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”