IDP had been kicked out of bossaso port

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

IDP had been kicked out of bossaso port

Post by FBISOMALIA »

Maamulka degmada Boosaaso ee xarunta gobolkaMari ayaa ka warbixiyey burburin lagu sameeyey meherado iyo guryo laga dhistay dhul ay dekeddu lahayd oo ay burburkii dowladii dhexe kadib dadku si sharci darro ah ku degeen.

Duqa degmada Boosaaso Xasan Cabddalle Xasan oo Horseed Media u waramay ayaa sheegay in howshii bur burintu oo hadda mudo 5-maalmood ah socotey ay gaba gabo ku dhowdahay.

Wuxuuna intaas ku daray in dadkii dhulkaas degenaa ay si xalkasnimo iyo wadaniyadi ku jirto u qaateen amaradii ay dowladu horay usiisey oo ahaa in ay goobahaas baneeyaan , isagoo uga mahad celiyey sida habsamida ah ee ay u rarteen meheradihii ay hareeraha dekedda magaalada Boosaaso ku haysteen.

Duqa degmada Boosaaso ayaa dhanka kale ka hadlay halka ay ku danbeeyeen Kawaan iyo Saylad cusub oo dhowaan dowlada hoose ay furtay Islamarkaana la sheegay in halkaas iibka xoolaha iyo hilibkaba loo wareejin doono arintaas oo cabasho xoogan ay ka muujiyeen ganacsatada hilibka ee magaalada Boosaaso.

Wuxuuna sheegay in ay arintaas heshiis laga gaarey bilaha soo socdana la qorsheynayo in suuqa hilibka iyo seyladaba halkaas loo wareejiyo , cabashadii hilibleyda kasoo yeertay todobaadyo kahorna ay ahayd mid ku timid hab ismaandhaaf ah maadaama ay ganacsatada hilibku u haysteen in Kawaanka xiligan loo wareejinayo xaruntaas oo ah mid ku taal meel magaalada ka baxsan.

Xasan Cabdalla Xasan ayaa sidoo kale ka warbixiyey xaalada guud ee degmada isagoo sheegay in ammaanka magaalada Boosaaso uu xiligan yahay mid la isku halayn karo iyadoo haba hayaraatee wax dhibaata ahina aaney ka jirin.

Wuxuuna ugu danbayntii xusay in laamaha ammaanka ee degmadu ay wadaan dadaalo badan oo lagu doonayo in ammaanka lagu xaqiijiyo , isagoo intaas ku daray in ay ku rajo weyn yihiin in wax dhibaato ahi aaney magaalada ka dhici doonin.

Si kastaba ha ahaatee magaalada Boosaaso oo ah xarunta dhaqaalaha iyo ganacsiga Puntland waxaa beryihii u danbeeyey ka soconayey olelayaal lagu bur burinayo dhismayaal sharci darro ah oo laga dhistay wadooyinka dekedda soo gala , iyo howlo nadaafadeed oo bilicda magaalada kor loogu qaadayo.

Horseed Media
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”