There is also tension between Kenyan troops and TFG troops in Gedo region and Lower Juba. There was small clash in Buusaar village between TFG and Kenyan troops and huge rift between the commanders of Kenya.
Before this intesifies I hope Kenya withdraw their troops.

Inshallah I will bring more updates later on, there is huge things happening..... The Prime Minister has welcomed Kenyan troops, whereas the defence mister of Somalia is fighting for Kenyan troops to withdraw alongside the Military leader. This clearly shows that the cabinet have no unity, this shows Gaas has failed to lead his cabinet
Shirkan saddex geesoodka ah ee ka dhacay xarunta Itoobiya ee Adis-ababa ayaa waxaa fooda lagu saaray xaaladdaha ammaanka ee dalka Somaliya,iyaddoo si gaar ah looga hadlayey soo gelitaanka ciidanka Dowlada Kenya ay soo galeen bartankii toddobaadkii tagay.
Wasiirka gaashaandhiga dowlada Soomaaliya Xuseen Carab Ciiise iyo taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya Gen,Abdiqadir Sh. Ali Diini oo Soomaaliya u fadhiyey shirkaasi ayaa dhankooda muujiyey sida shakiga looga qabo soo gelitaanka ciidanka dowlada Kenya.
Dowlada Itoobiya iyo xubinihii ka socday xukuumadda Soomaaliya ayaa usoo jeediyey dowlada dariska la ah Soomaaliya ee ciidanka usoo dirsatay gobollada Gedo iyo Jubbooyinka inay isaga baxaan dalka Soomaaliya,laakiin taasi waxaa deedafeeyey oo gaashaanka u daruuray madaxdii ka socotay Kenya.
Shirka ka dhacay Adis-Ababa ayaa waxa uu kusoo afmeermay iyadoo la isla fahmi waayey dhamaan wixii laga wada hadlay,waxaana Xukuumadda Itoobiya oo hore ciidankeeda usoo galeen Soomaaliya ayaa dhankeeda kenya ugu baaqday in aan xilligan loo baahneyn faragelin ay ku sameyso Soomaaliya.
Khilaafkan isku is afgarad la’aantan ayaa soo baxday kadib markii uu shalay magaaladda Muqdisho uga dhawaaqay Madaxweynaha Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Ahmed inaysan ku qanacsaneyn soo gelitaanka ciidanka Kenya,waxaana dhinaca kale arintan ay ka noqotay magaalooyinka Muqdisho,Nairobi iyo Adis-Ababa hadal-heynta ugu badan ee la isla dhexmarayo.
Dhinaca kale Ra’iisul Wasaare Abdiweli Mohamed Ali ” Gaas” ayaa maanta wareysi uu bixiyey ku sheegay hadal ka duwan fikirka ay qabaan madaxda uu ugu horeeyo Madaxweyne Shariif,waxaana uu sheegay inuu isaga soo dhaweynayo soo gelitaanka ciidanka Kenya iskana garabsan doonaan dagaalka xididada loogu siibayo kooxda Xagjirka ah ee Al-Shabaab.
info@kismaayo24.com