PL starts to recollect weapons from the clans militant
Posted: Tue Oct 25, 2011 6:08 pm
Dawladda Puntland ayaa sheegtay inay wado qorshe hubka lagu dhigayo,waxaana hubka ay dadku haystaan uu noqonayaa mid cayiman oo sharciyeysan si loo yareeyo khatarta hubka iyo kor u kaca ku yimid dagaalka beelaha dhexmaraya.
Wasiirka amniga Puntland Gen, Khaliif Ciise Mudan oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegay in wasaradiisu ay wado qorshayaal uusan ka hordhacayn oo lagu adkaynayo amaanka deeganada Puntland, wuxuuna xusay inay diyaarsan yihiin nidaamyo laga baaraan degay oo ku saabsan hubka dhigis laga sameeyo deegaanada Puntland.
Wasiirka amaanka oo haatan Galkacyo ku sugan ayaa sidoo kele ka hadlay in ciidamo ka socda Midowga Afrika la keenayo Puntland,wuxuuna cadeeyey in Dawladda Puntland ay dawladda fedraalka iyo Midawga Afrikaba ka codsatay in Puntland la keeno ciidamo ka tirsan AMISOM.
"Ciidamada Midawga Afrika anagaa dalbanay anagaana u cayimayna meesha la gaynayo,cidamadasina waa kuwo dawlada Somaliya iyo Qaramada Midawdayba ay ugu tala gashay Somaliya oo dhan, marka haddi codsigaasi la aqbalo waan soo dhawaynaynaa qorshena waa loo dejinayaa.'' ayuu yiri wasiirka amniga Puntland.
Wasiirka amniga oo ka jaawabayey baahida hadda loo qabo ciidamo shisheeye ayaa sheegay in ciidamada Puntland ay ku filan yihiin amaanka deeganada Puntland oo dhan balse ay talaabadani ay tahay hindise Somaliya oo dhan loogu talagalay.