Xisbiga Kulmiye oo muran Siyaasadeed ku tilmaamay wax-ka-bedelka ay Golaha Wakiiladdu ku sameeyeen Xeer N0. 14
“si looga hor tago muran siyaasadeed Waa in aanu xildhibaanna codkii dadku ay xisbiga siiyeen ula guurin meel kale” Muuse Biixi
Hargeysa(Waaheen) Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku taageerayo Xeerarka ay golaha wakiiladdu Ansixiyeen toddobaadkan kuwaasoo fursad u siinaya dhalinyaradu inay 25 jir kaga qayb gasho Doorashada Golayaasha Deegaanka iyo in waliba toos loo doorto.
Hase yeeshee waxa uu si weyn u daadifeeyay Wax-ka-bedelka Xeer NO.14 kaasoo uu qoddobka sheegaya Xildhibaanada Golaha wakiiladda ama deegaanku ay ku biiri karaan xisbi/Urur ka ay doonaan, kaasoo uu ku tilmaamay mid abuuray khal khal siyaasadeed
War-saxaafdeedkaasina waxa uu u dhignaa sidan:-
Ujeedo: Aragtida Kulmiye ee go’aamada ee Golaha Wakiilada ka soo baxay
Xisbiga KULMIYE wuxuu soo dhawaynayaa labada go’aan ee Golaha Wakiiladdu qaatay ee kala ahaa Da’da murashaxiinta Dawladaha hoose ee hoos loo dhigay iyo Murashaxiinta Dawladaha hoose oo toos u tartamaya.
Xisbiga KULMIYE, Xukuumadiisa iyo Xildhibaanadiisa wakiiladu dadaal badan kadib waxaa hir galay balan-qaadkiisii ahaa in dhalin-yarada fursad loo siiyo inay ka qayb qaataan hogaaminta dalka.
Sida aynu ognahay Barnaamijka Ololaha Xisbiga KULMIYE waa uu balan qaaday in da’ada 35 sanno ah laga dhigo 25 sanno, dadaal badan ayaanay Xisbiga KULMIYE, Xukuumadiisa iyo Xildhibaanadiisuba u galeen sidii arintaasi meel mar u noqon lahayd.
Maantana aad baanu u soo dhawaynaynaa go’aanka Golaha ka soo baxay.
Dhalin-yarada waxaanu u aragaa in ay yihiin Hogaamiyaasha berri iyo Xooga Maanta, sidaa daraadeed ay waajib tahay in lagu barbaariyo hogaaminta dalka.
Xisbiga KULMIYE iyo xukumadddiisa waxa kale oo ay hore u fuliyeen balanqaadkii furista Ururda Siyaasada, taasina waxay muujinaysaa in xukuumadda Xibsiga KULMIYE inay hirgalinayso barnaamijka Xibsiga lagu doortay, waxa kale oo ay muujinaysaa Dimuqraadiyada iyo Talo wadaaga dalka lagu hogaaminayo.
Xisbiga KULMIYE waxa uu dadaal ugu jiraa sidii Haweenka iyo dadka la hayb sooco loo xoojin lahaa ka qayb- galkooda Golayaasha Qaranka..
Dhinaca kale, kaabista Golaha wakiiladu ku sameeyey Xeer 14/2011, Qodobka 25aad Farqadiisa 3aad ee dhigaysa …“ Markasta oo la furaayo tartanka Siyaasada ee G/Deegaanka Muddanaha ka tirsan Golaha wakiilada ama Golayaasha Deegaanka waxa u banana in uu furan karo Urur Siyaasadeed cusub ama uu ku biiri karo Urur/Xisbi Siyaasadeed ee uu doono”
Weedhan kaabida ahi waxay Saamaynaysaa nuxurka Dimuqraadiyadda, habka doorashada iyo Nabadgalyada guud ee dalka.
Habka aynu wax u dooranaa waa “Proportional representation system” Macnuhuna waxay tahay dadku waxay u codeeyaan Xisbinimada, marka Xisbiyadu codka shacabka kala helaan ayey Murashaxiintu Xisbiga gudihiisa ku kala baxaan sida ay u kala cod badan yihiin xisbga dhexdisa. Halkaa waxa ka cad in ay murashaxiintu ku soo baxayaan cod Xisbigu leeyahay, laakiin ma jiro mudanuhu cod uu gaar u leeyahay oo u kusoo baxay.
Sidaa daraadeed, mudanuhu waxa uu golaha ku fadhiyaa codkii Xisbigu keenay oo aanu meelna ula guuri Karin. Isagu xisbiga waa uu ka bixi karaa qof ahaan, laakiin xildhibaanimadi mar walba waxay ku haydhaysaa xisbiga. .
Kaabidda Golaha ka soo baxday waa in ay arintaa cadaysaa, si looga hor tago muran siyaasadeed iyo khilaaf dhibaato keena. Hadda sida ay ku soo baxday ma cadda in xildhibaanimadii ku hadhayso xisbiga. Waa in aanu xildhibaanna codkii dadku ay xisbiga siiyeen ula guurin meel kale, taasi xaqdaro ayay ku noqonaysaa codbixiyeyaashii.
Xisbiga Kulmiye wuxuu ku talinayaa in aritaa wada tashi laga yeesho dhinacyada ay khusaysaa inta aanay majaraha sharci dhamaysan.
ALLAH MAHAD LEH.
Md. Muuse Biixi Cabdi.
Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye
Musa Bixi welcomes Mps decision to lower age Candidacy
Moderator: Moderators
- Khalid Ali
- SomaliNet Super
- Posts: 32728
- Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
- Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 5 Replies
- 575 Views
-
Last post by KyrieJama
-
- 59 Replies
- 5581 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 46 Replies
- 4271 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 25 Replies
- 3359 Views
-
Last post by ZubeirAwal
-
- 8 Replies
- 1209 Views
-
Last post by Cumar-Labasuul
-
- 4 Replies
- 654 Views
-
Last post by Cunaaye25
-
- 8 Replies
- 670 Views
-
Last post by WadaniggaBarakaysan
-
- 1 Replies
- 933 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 12 Replies
- 2758 Views
-
Last post by Alphamale1
-
- 2 Replies
- 591 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH