Page 1 of 1

Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Tue Oct 25, 2011 8:00 pm
by Khalid Ali
W/Duulista Hawada Oo Xabsiga U Taxaabay Muwaadin Meherad Ku Haystay Madaarka Iyo Oday Cabdi-Cawar Oo Sheegay In Qolka VIP-Da Uu Wasiirku Ka Furtay Sharaable

“Wasiiro Badan Ayaa Igu Soo Maray Halkan Wasiir Yidhaahda Ka Guur VIP-Da Sharaab Baan Ku Iibinayaaye

Wasiirka Duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay xabsiga u taxaabay oday Cabdi Ibraahim Yuusuf (Cabdi Cawar) oo meherad ku haysta qaybta laga soo dago ee Madaarka Cigal International Airport ee magaalada Hargeysa, kaas oo oday Cabdi Cawar oo ku xidhan saldhiga dhexe ee Bilaysku ku eedeeyay wasiirka duulista inuu ku haysto meherada uu sharaabka ku iibiyo, isagoo intaa ku daray in wasiirku qolka VIP-da ee Madaarka uu ka dhigtay meherad uu sharaabka ku iibiyo, sheegayna inuu ku soo xidhay wasiirku dacwad uu uga gudbiyay Madaxweyne Axmed Siilaanyo.
Cabdi Cawar waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu shalay galab khadka Telephone-ka Haatuf kula soo xidhiidhay isago ku xidhan saldhiga dhexe ee Bilayska, kaas oo ugu horayn isaga oo arrinkaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa shalay subax isoo xidhay, waxaananu isku qabsanay meherada aan sharaabka ku iibiyo oo iiga furan qaybta laga soo dago ee madaarka Hargeysa oo aan ilaa 1993-kii iiga furnayd ayuu yidhi ka guur, qaybtii VIP-dana isagaa sharaab uu ku iibinayo dhigtay, wasiiro farabadan ayaa igu soo maray wasaaradaasi oo xilkeeda soo qabtay, wali maan arag wasiir yidhaahda qolka VIP-da sharaab baan ku iibinayaa, Maxamuud Xaashi waa wasiirkii ugu horeeyay ee igu yidhaahda ka guur madaarka anigaa sharaab ku iibinaya, qaybta meheradaydu ka furan tahayna waa qaybta laga soo dago oo waa layska soo dhaafaa, markaa dawladihii marxuum Cigaal iyo Daahir Rayaale ayaa waxay naas-nuujin ii siiyeen Transit-ka hay’adaha iyo qolka VIPda wixii looga baahdo cabitaan inaan ka iibiyo, sidaa darteed labadii qaybood-ba wasiir Maxamuud Xaashi wuu iga qaaday, qolkii VIP-dana isagaa sharaab iiba soo dhigtay, qaybtii soo dagitaankana qoladii kale ayuu ku wareejiyay, wuxuuna igu yidhi si degdega uga guur”
Oday Cabdi Cawar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaa ku daray “Wasiirka duulistu waxa kale oo uu igu soo xidhay oo uu igu haystaa Madaxweyaha oo aan Jimcihii kulan ugu tagay oo aan dacwad uga gudbiyay, ayaa waxa uu igi yidhi maxaad Madaxweynaha ugu tagtay, sidaa darteed buu yidhi wuu I dilayaa ee hala ii xidho”
Dhinaca kale wasiirka duulista hawada oo aanu isku daynay inaanu wax kaga waydiino xadhiga muwaadinkasi ayaanay noo suuro galin inaanu khadka Telephone-ka ku helno, kadib markii uu naga qaban waayay Mobile-kiisa gacanta.

Re: Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Tue Oct 25, 2011 8:06 pm
by Khalid Ali
This hard working man who was making a living needs to be released asap and be allowed back to the airport to perform his daily Duties which is selling drinks he did it for 18 years .. Wamaxay wasiiirkan leh adigu sharaabka ha iibin aniga ibinayaa :lol: Wasiir sharaab ibiya halkee baynu ku aragnay :lol:

Re: Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Tue Oct 25, 2011 9:28 pm
by hargaysaay
ala qosol weynaa wuxuu yidhi ina xaashi waa wasiirkii iigu horaysay ee i yidhaahda ka bax anaa sharaabka meesha ku iibinayee
dadkeenu waa funny niyow :) :) :) :)

Re: Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Tue Oct 25, 2011 11:23 pm
by Mr_Alfaas
khalid ali wrote:This hard working man who was making a living needs to be released asap and be allowed back to the airport to perform his daily Duties which is selling drinks he did it for 18 years .. Wamaxay wasiiirkan leh adigu sharaabka ha iibin aniga ibinayaa :lol: Wasiir sharaab ibiya halkee baynu ku aragnay :lol:
:lol: :lol:
where is cali-gaab :o
hargaysaay wrote:ala qosol weynaa wuxuu yidhi ina xaashi waa wasiirkii iigu horaysay ee i yidhaahda ka bax anaa sharaabka meesha ku iibinayee
dadkeenu waa funny niyow :) :) :) :)
Abti ina xaashigi maaliyada maaha wa midka duulista iyo hawada. :lol:

Re: Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Sun Nov 06, 2011 4:16 pm
by ChiefAaqil
The Minister should know the Aiport is the gateway to Somaliland. And having his own maqaayad there will create the wrong perception of SL, a perception that its a country full of nepotism.

I call upon all the Habar Jeclo members to denounce these actions. Silence will be perceived as approval of the HJ ministers actions.

Re: Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Wed Nov 09, 2011 3:42 pm
by BankiiTuuyo
khalid ali wrote:This hard working man who was making a living needs to be released asap and be allowed back to the airport to perform his daily Duties which is selling drinks he did it for 18 years .. Wamaxay wasiiirkan leh adigu sharaabka ha iibin aniga ibinayaa :lol: Wasiir sharaab ibiya halkee baynu ku aragnay :lol:
WASIIR SHARAAB IIBIYA USUALLY BECOMES PRESIDENT IN AFRICA AND THATS WHY ITS DOOMED AND TO ADD INJURY TO THE INSULT HIS STUPID TRIBE ALWAYS SUPPORT THEM. OUCH WAN KA XUMAY :(

Re: Aviation minister stop targeting hard working people

Posted: Wed Nov 09, 2011 5:33 pm
by Dhaga Bacayl
Been sheeg laakiin mid run u eeg sheeg.

Dadka VIP ka so dega ee sharaabka laga iibinyaa ma Sillaanyo iyo wasiiradaa? Ilayn waanu naqan cida VIP da loo furee.

Kani wuu iska hadlay laakiin qofki caqli lihi kama dhagaysanayo. :down: