Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Capital
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Capital
Urur siyaasadeedka SSC oo Lagaga dhawaaqay Hargeysa iyo maxaabiistii kalshaale oo la cafiyay
October 26th, 2011
Haragysa (Somaliland.Org):- Xoghayihii war faafinta iyo birmadka ee maleeshiyadii SSC ee ka soo horjeeday qadiyada gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland, gaar ahaana garabkii nabada qaatay Kayse Cabdi Yuusuf ayaa maanta magaalada Hargaysa kaga dhawaaqay urur siyaasadeed cusub oo la magac baxay SSC.
Mr Kayse waxa uu sidaasi ka sheegay xaflad baloaadhan oo lagu qabtay hotelka Kaah ee magaalada Hargaysa, oo loo sameeyay sii daynta todoba maxbuus oo ka mid ahaa maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii Kalshaale kuwaasi oo uu dhawaan madaxwaynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo cafis u fidiyay.
Kayse Cabdi Yuusuf oo ah guddoomiyaha ururkan waxa uu sheegay in urur siyaasadeedkan cusub ee SSC uu meteli doono shacbiga gobolada Sool, Buuhoodle iyo Sanaag bari, waxaan uu tilmaamay in ururkani uu noqon doono mid ka shaqeeya horumarinta deegaanadaasi, oo uu xusay in ay ka jiraan baahiyo kala duwan oo la xidhiidha dhinaca nolosha dadka.
Md Kayse waxa uu u soo jeediyay jaaliyadaha ku dhaqan dalalka dibada ee ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle ee hore ugu bixin jiray dhaqaalaha hurinta colaada, in imika looga baahan yahay in ay ayidaan dimuqraadiyda Somaliland isla markaana ay taageeraan urur siyaasadeedkan uu ku dhawaaqay ee SSC.
Waxa kale oo uu sheegay in uu rejaynayo in urur siyaasadeedkani uu ka mid noqdo saddexda urur ee ku guulaysta doorashada goleyaasha deegaanka Somaliland ee u gudbi doona heer xisbi.
Dhinaca kale Kayse waxa uu madaxwaynaha Somaliland uga mahad celiyay cafiskii uu u fidiyay maxaabiistii lagu soo qabtay dagaalkii deegaanka Kalshaale ku dhex maray ciidamada qaranka Somaliland iyo maleeshiyadii nabad diidka ahayd ee SSC, waxaanu tilmaamay in arrintani qayb ka ahayd go’aamadii ka soo baxay shir nabadeedkii ka qabsoomay degmada Widh-widh ee gobolka Buuhoodle.
Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr. Cabdi Aw Daahir Cali oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay xafladii loo sameeyay maxaabiistaasi la sii daayay oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maxaabiistan la sii daayo, waxaanu xusay in ay talaabadani qayb ka tahay siyaasada xukuumada ee ku waajahan xal u helida tabashooyinka beelaha Dhulbahante.
Dr. Cabdi Aw Daahir waxa uu sheegay in uu soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub, waxaanu u rejeeyay in urur siyaasadeedkaasi uu noqdo mid meeqaam sare ku yeesha masraxa siyaasada Somaliland, waxaanu guddoomiyaha ururkan Kayse Cabdi Yuusuf u soo jeediyay in uu ka midho dhaliyo himilooyinka ururkan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyi gelinta Somaliland Md Axmed Xaabsade oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in aanay colaadu wax faa’iido ah u lahayn bulshada, isaga oo xusay in uu si niyad sami ah u soo dhawaynayo urur siyaasadeedkan cusub.
Wasiirku waxa uu intaasi ku daray in xukuumada uu ka tirsan yahay ay ahmiyad wayn siinayso nabad geliyada iyo wada jirka ummada Somaliland, waxaanu dadwaynaha ku dhaqan gobolada bari ee dalk u soo jeediyay in ay ka qayb qaataan horumarka deegaanadooda.
Sidoo kale waxa iyaguna halkaasi ka hadlay taliyaha ciidanka Asluubta Maxamed Xiirane iyo lataliyaha madaxwaynaha ee gobolada bari Md Fu’aad Aadan Cadde, waxaanay dhamaantoodba soo dhaweeyeen urur siyaasadeedkan cusub.
Xafladani loo sameeyay maxaabiistani la sii daayay waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka cirka Maxamuud Xaashi Cabdi, wasiir ku xigeenka Arrimaha Guddaha Cismaan Garaad Soofe, iyo guddoomiyaha xafiiska siyaasada, xadhiidhka goleyaasha iyo dadwaynaha, iyo masuuliyiin sare oo ka tirsan maleeshiyadii SSC garabka nabada qaatay.
Waa markii ugu horaysay ee urur siyaasadeed ay madax ka yihiin siyaasiyiin ka soo jeeda gobolada Sool iyo Buuhoodle lagaga dhawaaqo caasimada Somaliland ee Hargaysa, iyada oo ay arrintani tusaale fiican u noqonayso fur-furnaanta siyaasada Somaliland iyo dimuqraadiyada iyo sinaanta shacabkeeda ee ka hana qaaday.

- Mr_Alfaas
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 3439
- Joined: Thu Dec 31, 2009 2:16 pm
- Location: Hargeysa...The Diamond City of Somaliland
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
Cali_Gaab wrote:![]()
![]()
seemeyer maxad ku qososhey bal ino sheg inaderseemeyer wrote:![]()
![]()
![]()
![]()
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super

- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
- ToughGong
- SomaliNet Super

- Posts: 15321
- Joined: Mon Jul 14, 2008 11:06 pm
- Location: No Justice Just Us
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
Niyaho waxaan taswiirtuun iyagoo after a few months hadana socdey oo Buuhoodleh ka bilaabey xisbi kale oo Somaliweyn ah
- SahanGalbeed
- SomaliNet Super

- Posts: 19032
- Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
- Location: Arabsiyo ,Somaliland
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
Anigu shaqsiyan waan taageeraya ururkan .

“To love is to risk not being loved in return. To hope is to risk pain. To try is to risk failure, but risk must be taken because the greatest hazard in life is to risk nothing.”
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen

- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
So many SL Ministers present. I dont think this party needs any funding from diaspora, SL Goverment will covery any cost. 
-
Cumar-Labasuul
- SomaliNet Super

- Posts: 11028
- Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen

- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
- The_Emperior5
- SomaliNet Super

- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- HaragWafi85
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1838
- Joined: Sun Sep 19, 2010 9:48 am
- Location: Somaliland.
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
Last edited by HaragWafi85 on Wed Oct 26, 2011 3:05 pm, edited 1 time in total.
- Keyse_0208
- SomaliNet Super

- Posts: 9898
- Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
- Location: L D N
- Contact:
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
hmmm, im just trying to imagine ssc flags hanging all over hargeisa when its near election time

- ChiefAaqil
- SomaliNetizen

- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
But such a party needs a minimum of 20% of votes from 4 out of 6 regions. I dont think they can make it on their own. And so need to change the name to attract more voters.
Lets say they manage to get enough votes from Sanaag, Sool and Toghdeer. They still need 20% from either Hargeysa, Awdal or Saaxil. So it would be logic they form a coalition or choose a running mate from either Awdal, Saaxil or Hargeysa.
If they form a coalition with some from Samaroon . It will be like the old USP party.
And if it they do it with HJ or HY, it will become an Eastern Party.
And a coalition with any Habar Awal, Arab, Ayoub or Gabooye, will be the most divers, broad and incluside party of all.I would say this might become a formula for succes.

anonymousfaarax
- SomaliNet Heavyweight

- Posts: 1987
- Joined: Thu Aug 11, 2011 4:35 pm
Re: Ssc Political Party Declared in Hargeysa Somalilands Cap
Now this is what I call democracy

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 21 Replies
- 2089 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 10 Replies
- 1310 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 27 Replies
- 2972 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 6 Replies
- 1092 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 17 Replies
- 1467 Views
-
Last post by gegiroor
-
- 0 Replies
- 454 Views
-
Last post by Tanker
-
- 5 Replies
- 985 Views
-
Last post by knet
-
- 2 Replies
- 790 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 585 Views
-
Last post by Ina Baxar