The new Kenyatti Face of Shabab:

http://radiomuqdisho.net/kenyan-loo-qab ... san-yahay/
Kenyan loo qabtay qaraxyadii Nairobi oo qirtay in uu Shabaab ka tirsan yahay
Published on October 26, 2011 by Yusuf · No Comments · 888 views
Nin Kenyaan ah oo dhawaan ay ciidamada Boolisku u qabteen in uu ka dambeeyay qaraxyadii ka dhacay Nairobi ayaa maxkamadda ka hor qirtay in uu ka tirsan yahay maleeshiyaadka Shabaab ee dagaallada ka wada Soomaaliya.
Elgiva Bwire Oliacha oo 28 jir ah ayaa lagu soo oogay Sagaal dambi oo ay ku jiraan qaraxyadii ka dhacay Nairobi eel ala beegsaday Goob lagu caweeyo iyo Bosteejo laga raaaco Basaska kuwaas oo dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.
Ciidamada Argagixisada la dagaalama ee booliska Kenya ayaa habeenkii talaada ka soo qabttay gurigiisa oo ku yaalla Koyolo Etate, halkaas oo uu ku heystay 11 bam-Gacmeed, Qoriga Ak-47 , rasaas badan iyo Bustoolado.
Oliacha ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in uu ka tirsan yahay maleeshiyaadka Shabaab, waxaana wali lagu oogayaa kiisas kale ooh or leh sida ay xaqiijiyeen ciidamada Boolisku.
Maleeshiyaadka Shabaab ayaa horay ugu goodiyay in ay weeraro ka fulin doonaan Dalka Kenya ama ay la dagaalami doonaan Dowladda, ayadoo hadallo ay warbaahinta ka sii daayeen Horjoogayaasha Shabaab ay ku sheegeen in muwaadiniin Kenyan ah oo ka tirsan Shabaab ay u adeegsan doonaan weerarradaasi.
Dowladda Kenya ayaa heegan galisay ciidamadeeda, ayadoo Warbaahintu ay baahisay Talefano ay dadku soo wici karaan haddii ay halis arkaan.
Yusuf Sheik Isse, Nairobi-Kenya.