
Waxaa maanta magaalada Gaalkacayo ee xarunta gobolka Mudug ka dhacay kulan balaaran oo nabada looga hadlayey kaas oo ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin tira badan oo dowlada ka tirsan iyo qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Gaalkacayo.
Kulankan oo ahaa mid looga arinsayey sidii nabada iyo xasiloonida gobolka Mudug kor loogu qaadi lahaa ayaa waxaa Mas’uuliyiintii kasoo qayb galay kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland , Wasiirka howlaha guud iyo gaadiika , Gudoomiyaha gobolka Mudug , iyo Duqa degmada Gaalkacayo.

Sidoo kale waxaa kulankaas kasoo qayb galay Ururada Bulshada Gaalkacayo , iyo Gudiyada 13-ka Laamood ee ay u qaybsan yihiin xaafadaha magaaladaa Gaalkacayo , Isimo , Waxgarad , iyo qaar kamid ah Aqoonyahanka gobolka Mudug.
Kulankaas oo ahaa mid lagu lafa gurayey sidii ammaanka degmada Gaalkacayo iyo guud ahaan gobolka Mudug looga dhigi lahaa mid sugan ayaa waxaa ugu horeyntii ka hadlay Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi oo isaga iyo wefdi Wasiiro u badan oo uu horkacayo ay todobaadyadii u danbeeyey howlo nabadeed magaalada Gaalkacayo u joogeen.
Wuxuuna ku dheeraaday sida ay muhiim u tahay in ammaanak si wada jir ah looga wada shaqeeyo maadaama ay nabadu cid walba lagama maarmaan u tahay , isagoo dhinaca kale ka warbixiyey waxa ay ku soo gaba gaboobeen howlihii nabadaynta ahaa ee ay magaalada Gaalkacayo ka wadeen wuxuuna sheegay in lagu guuleystey dhamaystirka wixii ka dhinaa heshiiskii dhowaan magaalada Gaalkacayo lagu gaarey.
Duqa degamada Gaalkacayo Col. Siciid Cabdi Faarax oo isna kulanakaas ka hadlay ayaa sheegay in maamulka degmadu uu wado dadaalo badan oo lagu doonayo in degmada Gaalkacayo dhinacyo badan looga hora mariyo.
Col Siciid ayaa xusay in maamulka degmadu uu wado dhowr Mashruuc oo lagu horumarinayo degmada oo ay ku jiraan dhismaha Wadooyin cusub iyo dayactirka kuwii horay u jirey iyo weliba dhowr Suuq oo xaafadaha Gaalkacayo qaarkood lga hirgelin doono.
Duqa degmada Gaalkacayo ayaa ugu danbeyntii ugu baaqay Bulshada in ay maamulka la shaqeeyaan wuxuuna dhanka kale Hay’adaha gobolka ka hawl gala ku dhaliilay waxqabad la’aan isagoo ku hanjabey in hadii ay waxqabad la taaban karo la iman waayaan shaqada laga joojin doono gobolkana aan loo ogolaan doonin in ay ka howlgalaan.
Sidoo kale kulankaas oo ay ka hadleen Mas’uuliyiin kale oo tira badan , qaar kamid ah xubnihii qaybaha bulshad ka socdey ee shirkaas lagu caasuumay , iyo Marti sharaf kale ayaa dhamaan dadkii halkaas ka halday waxay ku nuux nuuxsadeen qiimaha ay nabadu leedahay iyo sida ay muhiim tahay in nabada si wada jir ah looga wada shaqeeyo loogana hortago cid walba oo xasiloonida ammaanka khal khal gelin karta.
Wuxuuna kulankani kusoo beegmayaa xilli todobaadyadii u danbeeyey Wefdi dowlada ka socda oo uu horkacayo Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland ay magaalada Gaalkakcayo u joogeey dhamaysirka wixii ka dhinaa heshiiskii 10-qodob ka koobnaa ee laga gaarey khilaafkii horaantii bishii 9-aad magaalada ka dhacay.
Axmed Maxamed Cali (Caano Geel)
Horseed Media
Gaalkacayo