
Kn: Will Ross, wakiil-wareedka BBC-da Bariga Afrika ayaa Prof. Maxamed Cabdi Gaandi weeydiiyey waxa ka jira tuhun dad badan ay qabaan oo ah in maamulkiisa Azania ay dabada ka riixayaan wadamada Faransiiska iyo Norway si ay ula soo baxaan shidaalka Jubbooyinka.
Gandi waxa uu ku jawaabay in taasi ay tahay kutiro-kuteen, iyo waxbo kama jiraan, waxa uu laakiin sheegey in marka la nabadeeyo dhulka uu maamulkiisa wadahadal la furi doono shirkadaha shidaalka si loosoo saaro kheeyraadka gobolka.
Warbixinta oo lagu faafiyey bogga BBC-da qeybteeda aduunka la hadasha ayaa lagu sheegey in Prof. Gaandi oo mar ahaan jirey la taliye shirkadda shidaalka Total ee Faransiiska laga leeyahay uu beeniyey jiritaanka wax qorsho miiska saaran oo shidaal qodis ku saabsan.
,,,,,,,,,,,, http://kismaayonews.com/2011/10/28/azan ... a-hadlaya/
SomaliTalk.com | Oct 22, 2011
Baarlamaanka DFKMG ayaa October 8, 2011 waxay u codeeyeen 6 qodob oo ay ku difaacayeen badda Soomaaliya, laakiin waxaa maanta soo shaac baxay warqad ku shaabaadaysan guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka taas oo uu ku jiro qodob aan markaas saxaafadda loo sheegin kaas oo badda Soomaaliya ku soo koobaya 12 nautical miles oo Territorial Waters, sidaas daraadeedna meesha ka saaraya xeerkii badda Soomaaliya u qornaa 40-ka sano ee Law No. 37 ee dhigaya in Biyaha Dalka Soomaaliya Territorial Waters ay yihiin 200 nautical milse..
,,,,,,,,, http://somalitalk.com/2011/badda/difaac63.html



