
Galmudug Arrests Persons Suspected of Abducting Foreigners in Central Somalia.
Gaalkacyo-hobyonet)Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug Cabdi Xasan Qoorey oo maanta saxaafada la hadlay ayaa sheegay in dadka Deegaanka Bajeela ay ku soo wareejiyeen Sadex ka mid ah kooxihii afduubka u gaystay labo qof oo u shaqaynayay Hay’ada Miinabaarista ee DDG oo shalay ay ka afduubteen Magaalada Gaalkacyo.
Cabdi Xasan Qoorey Taliye ku xigeenka Ciidamada Booliska Galmudug waxa uu intaas ku daray in Goor dhaw Ragaas la keeni doono Magaalada Gaalkacyo islamarkaana Sharciga la horkeeni doono.
Sidoo kale waxa uu sheegay inaysan ku guulaysan iney soo bad baadiyaan labadii qof ee ajaaniibta ahaa ee la afduubtay balse ay u direen Ciidamo ka tirsan Maamulka Glamudug oo uu sheegay iney ugu gali doonaan meel kasta oo lala aado.
Sikastaba ha ahaatee Masuuliyiinta Maamulka Galmudug ayaa sheegay iney adkeynayaan Amaanka Hay’adaha ka hawlgala Deegaanada Galmudug iyagoo uga digay cid kasta oo isku dayda iney afduub ugaysato Shaqaalah Hay’adaha iney Cawaaqib xun kala kulmi doonto.