Isniin, October 31, 2011(HOL) Nairobi , Kenya - Safaarada Soomaalida ee magaalada Nairobi ayaa markii ugu horreysay shaacisay inay xafiis ka furanayso xaafadda Easleigh oo ay ku noolyihiin tobonaan kun oo Soomaali ah.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Maxamed Cali Nuur (Ameriko) oo dadweynaha xaafada u ballan qaaday inay xiriir dhow la yeelan doonto safaaradu ayaa sheegay inay ka heleen dawladda Kenya ogolaansho ay xafiis ugu furtaan xaafadda Islii oo xudun u ah ganacsiga dalka Kenya iyo guud ahaanba bariga Afrika.
Cali Amerika waxaa uu ugu baaqay Soomaalida inay is dajiyaan oo aysan cabsi galinin hawlgalada ay booliska Kenya ka wadaan xaafadda.
Danjiraha ayaa dhanka kale tilmaamay in safaaradu ay isku hawli doonto wadashaqayn iyo xiriir dhow oo ay la yeeshaan qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Islii.
Waxaa Hotel Andulus oo uu ka dhacay kulanka dhexmaray dadweynaha Islii iyo safiirka Soomaaliya u jooga Kenya, sidoo kale hadalo ka jeediyay qaar kamid ah hogaamiyayaasha ururada bulshada rayidka ah oo codsaday in safaaradu ay gacan ka gaysato sidii loo baabi’in lahaa shaqo la’aanta baahday ee Islii ku haysata dhalinyarada.
Fardowsa C/kariim Jaamac oo kamid ah gabdhaha hogaamiya ururada dhalinyarada ayaa sheegtay in shaqo la’aanta jirta ay dhalinyaro badan u horseeday mukhaadaraad oo uu ku lumay mustaqbalkoodii.
Gudiga ganacsatada xaafadda Islii oo kulankan fududeeyay ayaa waxaa u matalayay madasha xoghaya gudiga Maxamed Maxamuud Guutaale, oo ka dalbaday Soomaalida Islii inay ka shaqeeyaan midnimadooda iyo horumarkooda, iyagoo kaashanaya safaraadooda Nairobi.
Kulanka ku dhex maray Islii jaaliyada iyo safiirka Soomaaliyeed oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ayaa haddii la fuliyo dhammaan waxyaabihii laga dhawaajiyay ay keenaysaa in Soomaalida Kenya ay noqdaan bulsho isku xiran oo hadafkoodu midaysanyahay.
http://www.hiiraan.com/images/2011/oct/SAFAR2.jpg
Somali embassy to open office in Eastleigh
Moderator: Moderators
- UlteriorMotive
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1706
- Joined: Mon Sep 26, 2011 7:12 pm
- Location: This be the realest shit I ever wrote
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Somali embassy to open office in Eastleigh
Kulanka ku dhex maray Islii jaaliyada iyo safiirka Soomaaliyeed oo ahaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah ayaa haddii la fuliyo dhammaan waxyaabihii laga dhawaajiyay ay keenaysaa in Soomaalida Kenya ay noqdaan bulsho isku xiran oo hadafkoodu midaysanyahay.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 1108 Views
-
Last post by Meyle
-
- 8 Replies
- 2109 Views
-
Last post by Mondey
-
- 18 Replies
- 1143 Views
-
Last post by fagash_killer
-
- 7 Replies
- 681 Views
-
Last post by Xildiiid
-
- 2 Replies
- 829 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 5 Replies
- 859 Views
-
Last post by Titanium
-
- 2 Replies
- 824 Views
-
Last post by TheLoFather
-
- 0 Replies
- 514 Views
-
Last post by Coeus
-
- 2 Replies
- 763 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 2 Replies
- 554 Views
-
Last post by Amira143