

Dhuumaal “halaga danbeeyo maamulka Kaambooni”
--------------------------------------------------------------------------------
Published: November 1, 2011
Kn: Madaxa ciidamada DKMG, Gen. Dhuumaal oo maanta meel fagaare ah kula hadlay ciidamada DKMG ayaa u sheegay in magaalooyinka Dhoobleey, Taabta iyo Qooqaani looga danbeeyo maamulada madaniga ah ee Kaambooniyiintu u dhiseen.
Dhuumaal wuxuu ciidamada faray in la ixtiraamo maamulada ka jira magaalooyinkaasi si loo wanaajiyo amaanka iyo nabadgaliyada dhulka gacanta lagu hayo.
Hadalka Taliyaha ciidamada DKMG ayaa ku soo beegmaya maalin uun kadib markii magaalada Qooqaani ay ka dhacday buuq ku aadan dhinaca maamulka oo markii danbe la maareeyay.
Gudoomiyihii maamul Goboleedka Azania ay u magacawday Qooqaani oo halkaasi gaaray ayaa kulan uu la qaatay odayaasha deegaanka wuxuu ugu sheegay inuu asagu yahay gudoomiyaha magaalada, waxaana markaasi magaalada ka hawlgalayay maamul madani ah oo Kaambooniyiintu u sameeyeen.
Xiisad ayaa halkii ka dhalatay waxaana markiiba hawsha la wareegay ciidamada Kenyaanka ee Qooqaani ku sugan, ayagoo kulmiyay dhamaan ciidamada Qooqaani ku sugan. Waxay su’aaleen inay jiraan wax Azania ciidan u ah, waxaana la waayay wax farta taaga, waxay hadana waydiiyeen wax taageere u ah, waxaa hadana la waayay wax farta taaga ama hadla, kadib waxay u yeereen gudoomiyihii Qooqaani ay Azania u magacawday waxayna u sheegeen inuu dib ugu haajiro halkii uu ka soo kicitimay oo Dhoobleey ahayd. Maanta ayaa dib loogu soo celiyay Dhoobleey. Waxaa muuqda inay wali jiraan caqabado ayna ka gudbin ama wali xal u helin kooxaha wada socda ee heshiiska ku ah inay Shabaabka meesha ka saaraan, taasina waxay ku keeni kartaa inay fashilmaan ka hor inta aynanba hadaf kooda gaarin ama inay hardamaan ka gadaale.
KismaayoNews.com