The Clans of Sanaag were suppose to meet in a peace conference in 2 months but Somalilanders don't want peace.
Dillalal iyo dagaal ka dhacay caawa magaaladda Ceerigaabo ee gobolka Sanaag
Dagaal khasaare geystey ayaa ka dhacay fiidnimadii caawa magaaladda Ceerigaabo ee caasimadda Gobolka Sanaag.
Dagaalkan ayaa ka bilaabmay sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Fiqifuliye, oo maleeshiyo hubaysani ku dileen badhtamaha magaaladda Ceerigaabo.
Dagaalka caawa fiidnimadii ka dhacay halkaas ayaa la sheegayaa inuu khasaare geystey ay ku dhinteen sadex ay laba ka mid ah ay ka soo jeedaan maleeshiyaadkii falka dilka ah geystey halka ka kalena aanu ka fogayn beel ahaan.
Magaaladda ayaa caawa laga kala xerooday iyadoo aanay jirin haba yaraatee wax isku day ah oo lagu joojinayo colaadan oo kasoo bilaabantay sarkaal Boolis ah oo laba bilood ka hor askari ay is qilaafeen uu rasaas ku furay isla markaana uu baxsaday.
Beelaaha degaankaasi dega ayaa isku day ku beegan colaadaas damcay inay sameeyaan balse waxa ay todobaad ka hor u qabteen laba bilood in dib la isugu soo noqdo.