TFG capture Ceel-Cadde, Ceel-Gaduud, Khadijo Xaaji and more
Posted: Thu Nov 03, 2011 9:27 am
TFG troops have captured more towns and villages in Gedo today.


Ciidamada dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa aroortii Khamiista howlgallo ka fuliyay deegaanno u dhaxeeya degmooyinka Ceel-Waaq, Beled-Xaawo iyo Garbahaarrey ee gobolka Gedo.
Deegaannada qaar ee howlgallada laga fuliyay ayaa waxaa horay ugu sugnaa maleeshiyada al-Shabaab, waxayna ka baxeen markii ay ka war heleen howlgallada.
Cismaan Sheekh Cabdi oo ah sarkaal ka tirsan ciidamada howlgallada sameeyay ayaa Bar-kulan u sheegay in ciidmada DKMG ay la wareegeen deegaannada lagu kala magacaabo Gadoon-dhawe, Khadiijo Xaaji, Ceel-Cadde iyo Ceel-Gaduud, kuwaas oo dhammaantood ay horay ugu sugnaayeen al-Shabaab.