Isbitaalku wuxuu yeelan doonaa dhamaanba adeegyadiisa caafimaad iyo guud ahaan qeybaha kala duwan ee waaraadka bukaannada jiifka. Sidoo kale wuxuu lahaan doonaa baar iyo meel laga dukaameysto, masjid iyo goob waxbarasho iyo weliba hool fadhi qurxoon leh oo loogu tala galay martida bukaannada soo booqaneysa.
Dabayaaqada bishan, ayey wararku sheegayaan iney Muqdisho soo gaari doonaan madax sare oo uu hoggaaminayo K/xigeenka ra’iisulwasaaraha Turkiga si ay uga qeyb galaan munaasabadda dhagax dhigga dhismaha isbitaalka.
Maaha markii koobaad ee ay dadka iyo dowladda Turkiga gargaar u soo fidiyaan shacabka soomaaliyeed ee ay isu kaashadeen colaadaha raagay iyo abaaraha macluusha xanbaarsan, waxaase loo baahan yahay abaal gudid ha joogtee garasho ogsoon in wax la taray.

Victory belongs to Mogadishu people, they kicked out ethiopia and shabab. We must support Turkey in everything, thus hating zionists and pkk

