Waxaa maanta magaalada Boosaaso lagu furay Kawaan cusub oo ay leedahay Shirkadda hilibka Puntland kaas oo dhismihiisa dhowaan lasoo gaba gabeeyey.
Kawaankan oo ah mid u qalabaysan hab caalami ah kuna yaala dhinaca Waqooyi ee xarunta madaxtooyada Boosaaso ayaa waxaa Munaasabdii lagu furayey kasoo qayb galay Ganacsato , Waxgarad , iyo Mas’uuliyiin ka socdey shirkadda Somali Live Stock.
Ugu horeyntii waxaa Munaasabadii Kawaankaas lagu furayey ka hadlay Cumar Ismaaciil Waaberi oo ah madaxa Shirkadda Somali Live Stock oo iyadu qayb ka ah Shirkado ganacsi oo ku bahoobay hirgelinta Kawaankan , wuxuuna sidoo kale faah faahin ka bixiyey howsha uu kawaankaasi qaban doono iyo ujeedooyinka ka danbeeyey in la hir geliyo.
Cumar Ismaaciil ayaa sheegay in sababta ka danbeysa Kawaankan cusub ee magaalada Boosaaso laga furay ay tahay si kor loogu qaado tayada hilibka maadaama uu hilibku kamid yahay cuntooyinka ay dadku aadka u isticmaalaan iyo weliba si loo daboolo baahida hilibka ee gudaha dalka ka jirta iyada oo la marayo hab ka hufan kii hore caafimaad ahaanna la isku halayn karo.
Wuxuuna intaas ku daray in dhismaha Kawaankan ay gacan ka gaysatay Hay’adda cunada aduunka ee FAO isagoo dhinaca kale beeniyey warar la isla dhex marayo oo sheegaya in kawaankani uu noqon doono mid cuna qabateeya hawlihii shaqo ee ay dadweyne tira badan oo dullaalo , iyo hilibley isugu jiraa haysteen maadaama ay shirkadu si gaar ah isugu koobeyso qalidda xoolaha , iyo iibka hilibka labadaba wuxuuna ku tilmaamay in warkaasi uu yahay mid haba yaraatee aanay waxba ka jirin.
Madaxa shirkada Somali Live Stock ayaa ugu danbeyntii ku booriyey ganacsatada kale in iyaguna ay qaadaan taalaaboyin tan oo kale ah si loo tayeeyo qaybaha kala duwan ee cuntada sida Kaluunka iyo Khudaarta si ay suurtagal u noqoto in loogu dhoofiyo suuqyada caalamiga ah ee dunida.
Kawaankan oo maanta si kumeel gaar ah howlihiisa shaqo u bilaabay ayaa waxaa lagu qalay 800 oo neef , waxaana xusid mudan in qofkii doonaya in xoolo loo qalo oo halkaas keenayo iyadoo qiimaha halka neef lagu qalayana uu yahay 1 Dollar oo xiligan u dhiganta 28,000 oo Sh.s.
Waa markii ugu horeysey oo Kawaan baaxadiisu intaas le’egtahay oo qaab caalami ah loo qalabeeyey laga dhiso magaalada Boosaaso iyo guud ahaan deegaanada Puntland waxaana la filyaa in dhowaan isla gudaha magaalada Boosaaso lagu qabto Munaasabad balaaran oo Kawaankaas cusub xariga looga jarayo taas oo ay kasoo qayb galayaan qaar kamid ah Mas’uuliyiinta dowlada ka jooga gobolka Bari
Kaawaan Cusub oo Boosaaso laga furay
Moderator: Moderators
- damu
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3373
- Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
- Location: PL National Socialist Party
Kaawaan Cusub oo Boosaaso laga furay
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 638 Views
-
Last post by kaliil
-
- 0 Replies
- 769 Views
-
Last post by Tanker
-
- 4 Replies
- 1717 Views
-
Last post by abdisamad3
-
- 0 Replies
- 774 Views
-
Last post by LiQaaye_TDH
-
- 16 Replies
- 2535 Views
-
Last post by Gaashaanle_87
-
- 1 Replies
- 511 Views
-
Last post by Siciid85
-
- 19 Replies
- 1358 Views
-
Last post by Dhaga Bacayl
-
- 2 Replies
- 1349 Views
-
Last post by libaaxyare
-
- 8 Replies
- 1399 Views
-
Last post by The_Emperior5