Heshiis Hordhac ah oo Dhexmaray Weftiga Dawladda Somaliland
Posted: Tue Nov 08, 2011 3:49 pm
Nuxurka qodobadda heshiiska, ballamaha maanta iyo Ceerigaabo oo muddo dheer kadib markii u horreysay shacabkeedu bilaa hub noqdeen
http://www.jamhuuriya.info/view_article ... e_id=17448Ceerigaabo (Jam)- Heshiis hordhac ah oo isafgarad, ayaa dhexmaray shalay weftiga ka tirsan dawladda Somaliland ee ku sugan xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo iyo odayaasha iyo waxgaradka beesha koonfurta magaaladaasi oo malleeshiyo beeshooda ka tirsan Axaddii weerareen guri ay shir-duceed u fadhiyeen Wasiirka Warfaafinta iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta, kadibna halkaas dagaal saacado qaatay ciidammada qaranka iyo malleeshiyo-beelaadkaas, kuna geeriyoodeen saddex qof, tobaneeyo kalena ku dhaawacmeen Kulan albaabadu u xidhnaayeen ayaa gudaha magaalada Ceerigaabo ku dhexmaray shalay weftiga dawladda Somaliland ee uu hoggaaminayo Wasiirka Daakhiliga Maxamed Nuur Carraale (Duur) iyo madax-dhaqameedka iyo waxgaradka beesha koonfurta Ceerigaabo, kaas oo la xidhiidhay daminta colaadda ka dhextaagan beesha kalee degta dhinaca galbeed ee magaaladaas (Habaryoonis) oo dilal aannooyin qabiil ah foodda isku daray iyo weliba dagaalkii ka dambeeyey ee ka dhex qarxay kooxda malleeshiyo-beeleedka ah iyo ciidanka qaranka.
Ma jiro war rasmi ah laga soo saaray kulankaas, balse siday Jamhuuriya xalay u xaqiijiyeen xubno ka mid ah weftiga ku sugan Ceerigaabo, waxa dhinaca dawladda uga qaybgalay wasiirrada Daakhiliga iyo Warfaafinta oo ay wehelinayeen masuusiyiinta kale ee ka tirsan weftigooda, halka beesha koonfurta Ceerigaabo-na ay matelayeen odayaasha dhaqanka horjoogayaasha u ah, kuwaas oo ka wadahadlay sida loo heli karo xal nabad waarta lagu gaadho oo lagaga baxo colaadda taagan.
Warku waxa uu intaa ku daray in masuuliyiinta dawladdu u bandhigeen odayaasha inay kala doortaan nabad iyo dagaal, kadibna ay si buuxda u aqbaleen wahadallo lagu gaadho nabad buuxda, isla markaana lagu heshiiyey inay soo xulaan 50 xubnood oo lagu kalsoonyahay oo dhinacooda u saxeexa heshiisyada lagu gaadho wadahadallada, kuwaas oo odayaashuna ballanqaadeen inay soo diyaarinayaan ilaa maanta.
Weftigu waxa kaloo u qorshaysan weftiga xukuumadda Somaliland inay Salaasada maanta la kulmayaan madax-dhaqameedka iyo odayaasha beesha kalee galbeedka Ceerigaabo (Muuse Ismaaciil/Habaryoonis), si iyagana ugala hadlaan sugidda nabadgelyada iyo soo xulidda ergooyinka uga qaybgalaya wadahadallada labada dhinac laysku soo horfadhiisanayo.
Dhinaca kale, xaaladda magaalada Ceerigaabo ayaa aad u degan oo aanay ka jirin wax saansaan colaadeed ahi, iyadoo shalay markii ugu horreysay inta la xasuusto dadweynaha reer Ceerigaabo aanay jirin cid hub dhex sidatay magaalada, taas oo ka dambaysay kadib markii ay soo galeen ciidamo aad u fara badan oo millateri ah, isla markaana Wasiirka Arrimaha Guduhu amar ku bixiyey in cid kastoo hub sidata ciidammadu toogtaan.