Munaasabad lagu xusayo maalinta Ururka Jaamacadaha Africa

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Munaasabad lagu xusayo maalinta Ururka Jaamacadaha Africa

Post by FBISOMALIA »

Image

Waxaa maanta xarunta Jaamacadda PSU ee Garoowe lagu qabtay munaasabad lagu xusayo maalinta Ururka Jaamacadaha Africa oo ay Jaamacadda Puntland State University-na qayb ka tahay.

Munaasabadaas oo ay kasoo qayb galeen Mas’uuliyiin badan oo ka kala socdey qaybaha kala duwan ee Bulshada iyo Hay’adaha caalamiga ah ee Garoowe ku sugan ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay maamulaha Jaamacadda PSU Maxamuud Shiikh Xaamud.

Wuxuuna sheegay in sidan oo kale maalintan looga xusayo dhamaan xarumaha Jaamacadaha ku bahoobay Ururka Jaamacadaha Africa , isagoo dhinaca kale tilmaamay in munaasabadaha sanadkan dhacayaa ay ka duwan yihiin kuwii horay u dhici jirey maadaama horay hal meel loogu qaban jirey hadase ay Jaamacad walbaa si gaar ah u xusayso.

Maamulaha Jaamacadda PSU ayaa sidoo kale sheegay in Ajendaha sanadkan kulamada maalintaas lagu xusayo looga hadli doono uu yahay sidii loo mideyn lahaa Manaahijta waxbarasho ee Jaamacadaha ku yaal guud ahaan qaarada Africa.

Gabagabadii waxaa halkaas afkaartooda ku aadan sida ugu hoboon uguna fudud ee loo mideyn karo Manaahijta waxbrasho ee Jaamacadaha Africa madashaas ka dhiibtey qaar kamid ah Aqoonyahaniinta Puntland oo iyaga si gaar ah xafladaas loogu casuumay.

Waxayna dhinaca kale ku amaaneen maamulka Jaamacada dadaalka ay ku bixiyeen iyo weliba sida ay ugu guuleysteen in Jaamacadda PSU ay qayb ka noqoto Ururka Jaamacadaha Qaraada Africa maadaama ay jiraan Jaamacado badan oo ku yaal dalal badan oo African ah oo Soomaaliya ka horumarsan kuwaas oo ku guul daraystey ka mid noqonshaha Ururka kadib markii ay buuxin waayeen shuruudihii looga baahnaa.

Waa markii ugu horeysey oo xaflad noocan oo kale ah lagu qabto magaala madaxda Puntland ee Garoowe waxaana talaabada ay maamulka Jaamacadda PSU qaadeen si diiran usoo dhoweeyey guud ahaan bahda waxbarashada ee Puntland.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”