Page 1 of 1

Marxuum Qoraa Kaalid Cali Guul Warsame Beri lagu aasayo

Posted: Thu Nov 10, 2011 2:29 pm
by FBISOMALIA
Allaha u naxariistee waxaa maanta laga dejiyey magaalada Boosaaso maydka Allaha u naxariistee Qoraa Sare Khaalid Cali Guul Warsame oo ahaa Qoraa soomaaliyeed oo wax badan ka qoray taariikhda Soomaaliya iyo Dhaqanka Soomaalida .

Maydka marxuumka ayaa waxaa kaga hortegay garoonka diyaaradaha ee magaalada Boosaaso dad aad u badan oo isugu jira eheladiisa iyo dad horay u yaqaanay marxuumka , qaarkoodna ay isla soo shaqeeyeen intii ay jirtay dowladii dhexe ee soomaaliya .

Marxuumka ayaa maalinka Beri ah oo ku beegan Khamiis 10-ka November 2011-ka , salaada subax kaddib lagu aasi doonaa tuulada Shaxda ee qiyaastii 50 km u jirta magaalaad Qardho.

Waxaa Xusid mudan In marxuum Khaalid Cali Guul ay ku tukadeen Salaadii CIIDA CARAFA Kaddib Salaadii Janaasada dhammaan dadka muslimiinta , iyagoo marxuumka halkaas ugu duceeyey dhammaantood, gaar ahaan dadka soomaaliyeed ee ku nool magaalada Copenhagen oo aad u wada yaqaanay Marxuumka.

Sikastaba, Khaalid Cali Guul Warsame ayaa dadka badankiis isla qirsan yihiin inuu dadka soomaaliyeed uga tegay taariikh aan la ilaawi doonin , isagoo intii uu ku noolaa dalka Denmark, Gaar ahaan magaalada Copenhagen uu ku diyaariyey buugaag badan oo uu ka qoray Taariikhda Soomaaliyeed iyo hidaha dhaqanka soomaaliyeed, waxaana xusid mudan intii uusan dhiman in uu ka dardaarmay buugaagtii uu qoray badankood, si loogu hibeeyio goobaha waxbarashada ee ka jira dalka Soomaaliya oo dhan.

Anagoo bahda Puntlandpost, waxaan marxuum Khaalid ilaahay uga baryeynaa inuu naxariistii Jano siiyo , Eheladii iyo Qaraabadii uu ka tegayna samir iyo Iimaan ka siiyo. Aamiin… Aamiin

Re: Marxuum Qoraa Kaalid Cali Guul Warsame Beri lagu aasayo

Posted: Thu Nov 10, 2011 2:30 pm
by FBISOMALIA
somalia lose a big somali patriot , AUN

Re: Marxuum Qoraa Kaalid Cali Guul Warsame Beri lagu aasayo

Posted: Thu Nov 10, 2011 2:33 pm
by CismanMaxamud1
AUN

Re: Marxuum Qoraa Kaalid Cali Guul Warsame Beri lagu aasayo

Posted: Thu Nov 10, 2011 2:57 pm
by Aseelah-Raaida
Ilaahay ha uu naxariisto