Suldan beesha samaaroon

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
SahanGalbeed
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 19032
Joined: Mon Dec 31, 2007 5:48 pm
Location: Arabsiyo ,Somaliland

Suldan beesha samaaroon

Post by SahanGalbeed »

ah ayaa intu Gabiley isasoo taagay baa haddeena yidhi
Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar




Gabiley (Jam)-Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar oo ka tirsan madax-dhaqameedyada gobollada Galbeedka Somaliland, ayaa si adag gaashaanka ugu dhuftay hadal ka soo yeedhay koox isku magacawday Awdal State oo dhowaan isku boqray magaalada London ee carriga Ingiriiska, kuwaas oo uu ku tilmaamay in aanay matalayn masiirka ummadda reer Awdal, sidoo kalena aanay ka hadli karin rabitaanka bulshada reer Awdal.


Waxa kale oo uu sheegay in nimanka boro-bogaandadaas wadaa yihiin kuwo dunida reer galbeedka ka qaata waxogaa yar oo lacag ah, dalkana ugu dambaysay soddon sanno horteed.


Suldaan Ibraahim Jaamac waxa uu arrimahan kaga hadlay shir-jaraa'id oo uu ku qabtay magaalada Gabiley maalintii Arbacada toddobaadkan, isagoo xilligaasi ku sii jeeday dhinaca magaalada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, waxaannu baaq nabadeed ugu diray beelaha dirirtu ku dhexmartay xarunta Gobolka Sanaag ee Ceerigaabo, isagoo dalbay in ay joojiyaan colaadda dhexdooda taal.


"Waxa shirkan jaraa'id igu kellifay anigoo Hargaysa uun hadda ka imi, kuna jihaysan Boorama inaan bulshada reer Somaliland u bayaamiyo hadal ka soo yeedhay shakhsiyaad sheegtay in ay ka mid yihiin qurba-joogta reer Awdal, kuwaas oo sheegtay inay samaysteen wax ay ugu yeedheen maamulka Awdal State. Waxaan leeyahay hadalkaasi waxa uu ka soo baxay nin riyoonaya, waana wax lagu qoslo. Masayrka bulshada reer Awdal ma matali karo nin qaxootinimo ku joogo dal shisheeye oo qaata lacagta caydh ee ay bixiyaan waddamada reer galbeedku,” ayuu yidhi suldaanku.


“Dadka reer Awdal waxay leeyihiin siyaasiyiin, salaadiin iyo aqoonyahan, kuwaas ayaa matala oo ku hadli kara afka reer Awdal iyo shacbigooda iyo walib rabitaankoodaba. Gobolkani waa gobolkii dhidibada u taagay Jamhuuriyadda Somaliland, iyagaa dhisay, Mansabkii ugu sarreeyey ayay ka gaadheen oo Madaxwayne ayay ka noqdeen, iminkana waxay ka yihiin Madaxwayne-ku-xigeen, cid uga lexo-jeclo badanna ma jirto.”


Suldaanku Isaga oo baaq-nabadeed u diraya beelaha dirirtu ku dhexmartay magaalada Ceerigaabo, “Waxaan u soo jeedinayaa Beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhexmartay dgaanka Ceerigaabo ee Gobolka Sanaag in ay xabbadda joojiyaan oo nabadda ka shaqeeyaan, arrimahoodana wada hadal ku dhammeeyaan, walaalnimadoodiina soo celiyaan, illeyn waxay isku yihiin wiil iyo abtigii oo waa dad wada dhashay oo kala dhalay oo isku dhaxay oo gacal iyo sokeeyaba ah,” ayuu yidhi Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar.


:up:
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Suldan beesha samaaroon

Post by Mondey »

if this news was true, haddanu nahay bulshoweynta reer Awdal state ee u hogaamiyo Mudane Garyaqaan Rasheed Aw Nuur Xirsi, waxaan ugu jawaabayna odaygan suldaan isku sheegay iyo kuwa lamid ah sidii aw ugu jawaabay Mudane Farhan Warsame bari hore.



[youtube]9Q3dTGNdbcE&feature[/youtube]

:up:
Saraxnow
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4751
Joined: Mon Jun 27, 2011 7:02 pm

Re: Suldan beesha samaaroon

Post by Saraxnow »

Suldaanku waa rageedii :up:

The diaspora of Awdal and ''SSC'' are quite unaware of how things are back home. The people on the ground back home have more right to speak for themselves.
Xamud.
Posts: 11173
Joined: Sun Mar 11, 2007 11:13 am
Location: Halabokhad,Mudug. Bunlayn

Re: Suldan beesha samaaroon

Post by Xamud. »

I don`t understand what some Gudabirsis beef with Somaliland is? They had the presidency for 8 years, they got the vice president, plus 3 ministers, and a fair number of MPs.
User avatar
Keyse_0208
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9898
Joined: Thu Apr 10, 2008 11:42 am
Location: L D N
Contact:

Re: Suldan beesha samaaroon

Post by Keyse_0208 »

Xamud. wrote:I don`t understand what some Gudabirsis beef with Somaliland is? They had the presidency for 8 years, they got the vice president, plus 3 ministers, and a fair number of MPs.
watch this and u will undrestand everything that answers your question

[youtube]dJi7d9Kc7lY&feature=player_embedded[/youtube]
User avatar
Mondey
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 4427
Joined: Fri Jun 17, 2011 9:44 pm
Location: We'll resist and fight again, Strangers, thats's how freemen feel in a world of slaves.

Re: Suldan beesha samaaroon

Post by Mondey »

Xamud. wrote:I don`t understand what some Gudabirsis beef with Somaliland is? They had the presidency for 8 years, they got the vice president, plus 3 ministers, and a fair number of MPs.
for the millionth time, this is not about political seats!! Gadabursi have more seats in SL than their seats in any of Somalia, Djibouti or Ethiopia.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”