He has told his own people of Bay and Bakool to wake up, and said that they are oppressed and controlled by Beesha Mareexaan for many years, he has told them that Baydhabo is nicknamed the city of Murder, because of Beesha Mareexaan. He also said that the people of Bay and Bakool are overpowered by Beesha Daarood and Hawiye.

Al-Shabaaab has collapsed in has turned into tribal bashing. VIVA TFG


Horjoogaha malayshiyada Kooxda Al-shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abu mansuur oo magaalada Baydhabo kula hadlayay kumanaan dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa shaaca ka qaaday in Beelaha Daarood Hawiye ay ku fashilmeen ka qayb qaadashada Jihaadka asagoona sheegay in ay Beelahaasi yihiin kuwa soo guumaysan jiray Dadka dega Gobolada Bay Iyo Bakool roobow ayaa arintaasi ula jeeday in uu taageero kaga helo beelahaas Waxaana halkaasi ka raacay waji gabax kii ugu xumaa ee abid soo mara.
Roobow oo hamaynkaasi wixii afkiisa kusoo dhaca ku hadlayay ayaa sheegay in magaalada Baydhabo sababtii loogu baxshay magaalada dilka ay tahay in Beesha Mareexaan ay arintaasi ka danbeysay asagoona sheegay in ay beeshaasi tahya Cadowga Koobaad ee dadka Degada Gobolada Bay Iyo Bakool Roobow ayaa sidoo kale sheegay in beesha mareexaan ay tahay beel waligeedba neceb daganaan shaha shacabka daga Gobolada Bay Iyo Bakool dhanka kale Roobow ayaa hamaynkaasi sheegay in caydiid markii uu dalka qabsaday uu asna gabood falo ka sameeyay Goboladani Roobow oo aan looga baran hadaladaan ayaa sheegay dadka daga Gobolada Bay Iyo Bakool in ay waligood guumaysi ku jireen.
Mukhtaar Roobow ayaa sheegay in magaalada Baydhabo aysan waligeed ka bixin Guumaysi Daarood iyo Hawiye waxaa u sheegay inta yaree ay haysatay Al-shabaab ay magaaladu tahay mid aan guumaysi ku jirin dhan ka kale wuxuu sheegay in Hogaamiyaha Al-shabaab uu xushmad u hayo beelaha Hubeyr iyo ligso asagoona beelahaas ku amaanay kuwa si wanaagsan oga qayb qaatay jihaadka.
Roobow ayaa sheegay in Beelaha DAAROOD iyo HAWIYE ay ka takhalusi doonaan tabar toodiina dhamaatay wuxuuna sheegay in dadka ku dhaqan Gobolada Bay Iyo Bakool ay ka faaiidaystaan fursadaas oo ay si wanaagsan dagaalka u galaan si ay u noqdaan dadka ugu awooda badan Dalka soomaaliya wuxuuna ku bogaadiyay in ay Noqdaan kuwa aan ku laaban Hoos imaan shihii Daarood Iyo Hawiye oo ay kasoo baxeen.
Hadalkaan kasoo yeeray Roobow ayaa wuxuu marqaati cad u yahay sida ay malayshiyada Al-shabaab u bur bureen Al-shabaab ayaa beelaha ay xooga ku haystaan wax taageero ah ka waayay ayagoona dhawaanahaan ay isa soo tarayso cabashada ay u jeedinayaan beelaha kale ee soomaaliyeed