we should deport the rest of these people
Maxkamada darajada koowaad ee Garowe ayaa maaanta xukun dil toogasho ah ku ridey Cismaan Cabdi Gaabow oo lagu helay inuu dilal ka geystey Garowe iyo Bosaso soona rakibey qaraxyo lala beegsadey sarakiil ka tirsan Puntland iyo dad rayid ah.
Kusimaha xeer ilaaliyaha guud ee Puntland Maxamed Xareed ayaa ka hor inta uusan xukunku dhicin waxa uu soo bandhigey cadeymo qiraal iyo video isugu jira oo sheegaya in ninkani ka danbeyey dilka 5 ruux magaalooyinka Bosaso iyo Garowe.
Cismaan Cabdi Gaabow oo maxkamadu da’diisa ku sheegtay 40 sano jir ayaa waxa uu ku dhashey Buulo Mareer oo katirsan gobolka Shabeelada Hoose,waxana uu sheegay xeer ilaaliyuhu in u dhibane ka yahay kiiska ay soo oogeen maanta dawladda Puntland iyo ehelada shantii qof ee geeriyootey.
Waxa uu sheegay xeer ilaaliyuhu in horey ninkaani booliska Bosaso ay u soo qabtyeen arimo la xiriira sixirka,waxana uu uu maxkamada ka codsadey in dil toogasho ah lagu xakumey sida ay shareecada Islaamku ka qabto gacan ku dhiiglayaasha.
Maxakamada Garowe heerkeeda koowad oo afdhigeedu dhamaa maanta ayaa kadib markii ay dhageysteen soo jeedinta xeer ilaalinta,islamarkaasina labo marqaatiyo ay ku cadeeyeen in uu isagu yahay qof ka danbeyey falalkaasi maxkamduna ku qanacdey ayaa waxay ridey xukunkan dilka toogashada ah.
Dhowaan ayay ahayd markii lagu toogtey duleedka xarunta Puntland ee Garowe nin lagu helay in uu ka tirsanaa kooxda argagixisada ah ee Alshabaab,horeyna dilal qorshaysan ka geystey Galkacayo uu ka mid ahaa nabadoon Xasan Waloore alaha u naxariistee.
Dawladda Puntland ayaa u suxul duubatey sidii cadaalada iyo sharciga loo horkeeni lahaa danbilayaahsa falalka amnidarda ah ka geysta deegaanadeeda,waxana lagama maarmaan ah wadashaqayn dhexmarta shacabka iyo laamaha amaanka ee dawlada si meesha gebi ahaanba looga saaro kooxaha ka soo horjeeda nabada iyo xasiloonida Puntland.
