Dagaal Al-shabaab iyo Kenya ku dhexmaray Deegaan ku dhow degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo
Axad, November 13, 2011 (HOL) — Dagaal u dhexeeyay Ciidamada Kenya iyo xoogag taabacsan Xarakada Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan ku dhow degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo oo ay fariisin ku leeyihiin ciidamada Kenya iyo kuwa DKMG ah.
Wararka laga helayo degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo ayaa sheegaya in xalay uu billowday dagaalka uuna soo gaaray saakay aroortii hore, iyadoo la sheegay inay jiraan khasaarooyin ka dhashay, balse aan la ogeyn tirada rasmig ah.
Dagaalka ayaa billowday markii xoogagga Xarakada Al-shabaab ay weerarro ku qaadeen fariisimo ay ciidamada Kenya ku leeyihiin duleedka degmada Ceelwaaq, iyadoo dagaalka dhexmaray labada dhinac uu ahaa mid xooggan.
Xukuumada Kenya ayaan ka hadlin dagaalka, balse waxaa xaqiijisay inuu dhacay Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta Kenya, waxaana dagaalkan uu qayb ka noqonayaa dagaallo horay u dhexmaray labada dhinac.
Isgaarsiinta degmada Ceelwaaq ayaa u go'an sababo la xiriira dagaalkii xalay ka dhacay duleedka degmadaas, iyadoo dadka degmadaas daggan ay cabsi weyn ku beertay dagaalkii xalay illaa saakay socday.
Al-shabaab ayaa dhowr jeer oo hore sheegtay inay khasaare ku gaarsiisay dagaalo ay la gashay ciidamada Kenya ee ku sugan gudaha Soomaaliya, iyadoo sidoo kale ay saraakiisha Kenya sheegeen inay dileen tiro ka mid ah Al-shabaab iyagana laga dilay askar.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Critical battle in ceelwaaq vs the invaders
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 780 Views
-
Last post by waryaa
-
- 2 Replies
- 2391 Views
-
Last post by Somali-Transporter
-
- 0 Replies
- 389 Views
-
Last post by Daanyeer
-
- 90 Replies
- 4300 Views
-
Last post by zingii
-
- 15 Replies
- 1144 Views
-
Last post by Qumanyoo
-
- 2 Replies
- 13 Views
-
Last post by Nabeela
-
- 22 Replies
- 1240 Views
-
Last post by Basra-
-
- 1 Replies
- 554 Views
-
Last post by Tallman77
-
- 27 Replies
- 1799 Views
-
Last post by Somali_4Life