OTP:- Waxa saddexdii maalmood ee ina dhaaftey shirar isugu jira kuwo dhinaca telefoonka iyo kuwo fool ka fool ahba oo uu Gudoomiyaha Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya (JWXO) Admiral Maxamed Cumar Cisman la yeeshay Jaaaliyadda Somalida Ogadeenya ee Dalka Sacuudi Carabiya, shirarkan oo ahaa kuwo runitii Jaaliyadu ay aad u sugayeen ayuu gudoomiyuhu war bixin dheer oo ku saabsan xaalada halganku meesha ay marayso uu halkaas ka jeediyay.
Maalintii taariikhdu ahayd 11/11/2011 wuxu gudoomiyuhu khadka telefoonka kula hadlay Jaaliyadaha iyo xubnaha ku nool caasimada Riyaad iyo nawaaxigeeda iyo Jaaliyadaha bariga Sacuudi Carabiya. Kulankan telefoonka ayaa wuxuu qaatey 8 saacadood oon kala joogsi lahayn wuxuuna gudoomiyuhu isla maalinkaas la hadlay Jaliyaddaha:
1. Dammam
2. Muneefa (sharqiya)
3. Al-Xasa
4. Riyadh City
5. Masnac (Area Riyadh)
6. Jalla’a
7. Barka
8. Xufeera Nisaax.
Isugu gaynta dadkan uu gudoomiyuhu maalintaas telefoonka kula hadlay ayaa waxay ahaayeen dad aan ka yareyn 500 oo xubnood Gudoomiyaha ayaa war bixin waafi ah u gudbiyey xubnahan waxayna xubnuhu aad uga maqsuudeen wararkii iyo talooyinkii gudoomiyaha, Gudoomiyuhu wuxuu aad ugu adkeeyey in xubnuhu midnimada iyo isjacaylka ilaaliyaan kana feejignoodaan kala qaybinta iyo burburka.
Dhinaca kale waxay xubnaha jahliyadu gudoomiyaha weydiiyeen su’aalo ay tabanayeen halkaas oo gudoomiyuhu ka shaafiyey. Gudoomiyaha qudhiisa ayaa aad uga heley xubnihii uu telefoonka kula kulmay marka laga eego nidaamka dhagaysiga, su’aalaha miisaaman iyo tirade xubnaha.
12/11/2011 waxay ahayd maalin iyana aan telefoonku damin.
Maalintaas oo dhan waxay ahayd maalin dadku ay si gaar gaar ah iyo si guudba ay gudoomiyaha ula soo hadlayeen. Waxay ahayd maalin aan 10 daqiiqo telefoonku aamusin, dhanka kale waxaa gudoomiyaha soo booqday shaqsiyaad iyo kooxo ka kala yimid magaalada Jeddah, Makka, Kenya iyo maraykanka.
Isla maalintaas wuxuu gudoomiyuhu khadka telefoonka kula shiray Ururka haween Somalida Ogadeniya ee Dammam, Shirkan ayaa wuxuu runtii ahaa shirkii ugu xiisaha badnaa in ka badan 2 saacadood ayuu gudoomiyuhu la hadlayey ururka haween. Ururka haweenka ee dammam ayaa waxay soo bamdhigeen buraanbur, heeso iyo dhaantooyin, waxayna fursad u heleen inay shaqsi shaqsi gudoomiha ula hadlaan.
Maalintii taariikhdu ay ahayd 13/11/2011 gudoomiyuhu wuxuu sidoo kale khadka telefoonka kula hadlay goobaha kala ah
1. Waadi Dawaasir
2. Xufeera nisaax II
3. Iyo ururka haweenka Soomalidda Ogaadeenya ee Al-xasa.
Sidoo kale gudoomiyaha ayaa la filayaa inuu shirar waaweyn qabto maalmaha fooda nagu soo haya haddii uu Illaah yidhaahdo.
Jaaliyadaha Soomalidda Ogaadeenya ee Sacuudiga ayaa la odhan karaa waxay maalmahan u ahayd maalmo farxad leh waayo waxay markii ugu horeysay si toos ah ula hadleen gudoomiyaha JWXO iyaga oo ay aad u xiisaynayeen war bixin aad u wanaagsana ak siiyaya heerka uu halganku Ogaadeenya lagu xoraynayaa marayo iyo waxa iyaga gaar ahaan looga baahan yahay.
Dhainaca kale gudoomiyaha ayaa markasta qudbaddiisa ku soo gunaanadayey halku dhiga JWXO ee ah Midnimo, mintidnimo iyo Isku tashi erayadaasi waxay si aad ah u tabanayeen dareenka wadaniga ah ee dadwenaha uu gudoomiyuhu la hadlayay.
Xaaji Cali Yare
Ogadentoday
Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Admira
- Shift
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1740
- Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
- Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin
Re: Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Ad
The hardest working man out of east africa,truly one of a kind may Allah keep him save and give him what he desires. 

-
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 3629
- Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
- Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso
Re: Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Ad
Ilahay ha xafidee mujaahidku wuu dadaalayaa inta taagtisa ah.
Re: Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Ad
Inshallah Guul iyo Gobanimo for the Admiral. 

- Shift
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1740
- Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
- Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin
Re: Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Ad
Ninkan oo kale nama soo maro often,waa once every hundred years type deal.Ha laga fa'ideesto admiralka amarkiisana hala qaato. 

- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Ad
Ilaahay haka aqbalo Mujahiid Maxammad cumar cismaan 

- Hyperactive
- SomaliNet Super
- Posts: 34541
- Joined: Fri Feb 09, 2007 7:36 am
- Location: "Some people are so poor, all they have is money."
Re: Gudashada Xajka iyo Gudashada Xilka. Gudoomiyaha ONLF Ad
ameen. he is a noble guy as i heard even way before onlf.
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 0 Replies
- 276 Views
-
Last post by XidigtaJSL
-
- 11 Replies
- 1136 Views
-
Last post by precious_dyme
-
- 2 Replies
- 381 Views
-
Last post by Queen_Arawello
-
- 1 Replies
- 443 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 0 Replies
- 395 Views
-
Last post by ToughGong
-
- 5 Replies
- 1285 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 9 Replies
- 898 Views
-
Last post by mizz_chief
-
- 0 Replies
- 264 Views
-
Last post by sheldibow
-
- 2 Replies
- 400 Views
-
Last post by COOL-MAN
-
- 2 Replies
- 385 Views
-
Last post by Mr_Alfaas