Welcome to the twilight zone

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Welcome to the twilight zone

Post by Shift »

Where what you see and hear are far from reality :lol:

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo u ambabaxay dalka Kenya


Arbaco, November 16, 2011 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor-dhow ka duulay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, iyagoo kusii jeeda magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa lagu wadaa inay booqasho maalmo ah ku joogaan Kenya, iyadoo inta uu halkaas ku sugan yahayna la kulmi doona madaxda dalkaas si ay uga wadahadlaan xaaladda dalka Soomaaliya iyo ciidamada Kenya ee gobollada Koonfurta Soomaaliya ku sugan.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in inta uu ku sugan yahay Nairobi uu sidoo kale la kulmo madaxweynaha dalka Uganda, Yoweri Museveni oo isaguna halkaas ku sugan, si ay uga wada-hadlaan xaaladda ammaan ee Soomaaliya, gaar ahaan Muqdsiho.

Mr. Museveni ayaa horay u sheegay inuu taageersan yahay howlgallada ay ciidamada Kenya kawadaan gudaha dalka Soomaaiya, kaddib kulan uu dalkiisa kula yeeshay wasiirka arrimaha dibadda ee Kenya Moses Wetang'ula.

Wasiirka gaaashaandhigga Soomaaliya, Xuseen Carab Ciise iyo wasiirka arrimaha gudaha iyo ammaanka Qaranka, C/samad Macallin Maxmauud ayaa kaga sii horreeya madaxweynaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Dhanka kale, Sheekh Shariif ayaa shalay la hadlya ciidamo ka tirsan DKMG ah ee Sooomaaliya oo tababar kusoo qaatay dalka Uganda, isagoo ugu baaqay ciidanka inay guntiga u xirtaan sidii ay ula dagaalami lahaayeen Al-shabaab.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu ciidamada ku boorriyay inay diinta islaamka ku dhaqmaan, ayna dib u dhigtaan hamigooda ah inay guursadaan, isagoo sheegay in guur uu u waajibayo markii ay dalka ka saaraan Al-shabaab waa sida uu hadalka u yiriye.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu ciidamadii uu la hadlay u sheegay inay heli doonaan xuquuqaadkooda oo dhan, iyadoo hadalka Sheekh Shariif uu imaanayo iyadoo aanay ciidamada DKMG ah qaadan wax mushaaraad ah muddo saddex bilood ah.

Ciidamadan ayaa la sheegay inay tababar kale oo lagu barayo sharciyada dalka ku qaadan doonaan xerada ciidamada ee Jasiira oo ahayd halkii uu madaxweynuhu shalay ugu jeediyay ciidamada dardaaranka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan.com
Muqdisho, Soomaaliya
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Welcome to the twilight zone

Post by ina aadan »

Khaladkii dhacay baa la saxayaa.
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: Welcome to the twilight zone

Post by Shift »

Wixi dhacaba time will tell,kiniinka hurda un hala badsado.
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: Welcome to the twilight zone

Post by ina aadan »

Wixii dhacaba inagu finalkaynu jognaa :) .
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”