WARBIXIN: Gobolka Bakool

User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

WARBIXIN: Gobolka Bakool

Post by EEGA9 »

Image



CEELBARDE - (Afdheer) Warbixin aan kusoo ururinay wareysi aan la yeelanay Ugaas Haaruun Ugaas Dacar oo ku sugan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayuu kaga hadlay arrimo badan oo aan kusoo uruurinay sidan hoos ku qoran:



UGAAS HAARUUN: Waxaan joognaa magaalada Ceelbarde ee gobolka Bakool oo uu ka socdo kulan ay leeyihiin dadka deegaanku kulankan waxaa kasoo qeybgalay aniga, Ugaas Diiriye iyo Ugaas Xuseen waxaanan wadajoognaa hadda Ceelbarde.



Gobolka Bakool gaar ahaan degmooyinka Ceelbarde, Ato iyo Yeed waxaa ka da`ay roobab mahiigaan ah oo waaweyn kuwaasoo barwaaqo ka dhigay dhammaan deegaanada degmooyinkan miyi iyo magaalaba.



Degmooyinka 3-da ah maamulkoodu wuxuu hoos tagaa dowladda Soomaaliya si rasmi ah ayeyna u wada shaqeeyaan maamulada degmooyinkan ka jira iyo dowladda Kmg ah ee dalka Soomaaliya.



3-dan degmo ee aan kor kusoo sheegay waxaa loo tababaray ciidan tababarkoodii kusoo dhammeystay DOOLOW oo dib loogu soo celiyey deegaanadan iyagoo qalabeysan, ciidamadan lasoo siiyey tababarka cusub waxay wax weyn kusoo kordhiyeen muuqaalka iyo nabaddii horeba uga jirtey degmooyinkan.



Degmooyinkan waxaa ka jira maamullo wanaagsan oo ay dadka deegaanku sameysteen dowladda Soomaaliyana magacowday oo ay gacan ka hela oday dhaqamedyada iyo shacabka deegaanaddan.



Illaah baa mahad oo dhan u sugnaatay waxaan joognaa deegaano barwaaqo ah, nabad ah, lagana wado horumar aad ah.



Saddexda degmo ee gobolka Bakool ee koonfurta dalka Soomaaliya waxaa deris la ah saddex degmo oo ku yaal degmooyinkaas degta kale ee ay xuduudda dhanka Itoobiya ah. Degmooyinka gobolka bakool waxay xiriir sokeeye ka sakow xiriir iskaashi leeyihiin degmooyinka dhanka Itoobiya si ay iskaga kaashadaan nabadda, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iwm.



Waxaanu dooneynaa inaan sii xoojinno wadashaqeynta iyo isku xirnaanshaha saddexdan degmo waxaanan rajynaynaa inay degmooyinkan yeeshaan isku tashi.



Wareysiga Ugaas Haaruun Ugaas Dacar waxaan kusoo koobnay intaas, waxaan idiin soo gudbin doonaa haddii rabbi idmo warbixinno.



Ceelbarde

afdheer.com

info@afdheer.com

16, November 2011
User avatar
EEGA9
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1906
Joined: Thu Jul 22, 2010 8:05 am

Re: WARBIXIN: Gobolka Bakool

Post by EEGA9 »

Ugaas Haruun
Ugaas Diiriye
Ugaas Xuseen


Meeshu Ugaas badnaa
ina aadan
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3629
Joined: Wed Mar 18, 2009 10:44 am
Location: Inta Dahare Doolliyo Dohiyo, Diggi u hoosayso

Re: WARBIXIN: Gobolka Bakool

Post by ina aadan »

EEGA9 wrote:Ugaas Haruun
Ugaas Diiriye
Ugaas Xuseen


Meeshu Ugaas badnaa
Sadexda dagmo ee ay dagaanba ugaas gaara bay u sameyeen.

Horta nimayow waligay maana arag sadex nin oo wada socota oo Cawlyahan ah, lakin halkooda nin e aan arkaaba waa nin waxtar miidhan ah.
Tamiinlaaye
Posts: 95
Joined: Thu Nov 10, 2011 4:11 pm

Re: WARBIXIN: Gobolka Bakool

Post by Tamiinlaaye »

haye cagdheer Bakoolna ma sheegateen , waar ilay umadani ma xishooto.
User avatar
Shift
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1740
Joined: Thu Nov 25, 2010 3:47 am
Location: Allow Lakala Miiranyee Melez ha na raacin

Re: WARBIXIN: Gobolka Bakool

Post by Shift »

Sadexda ugaas ma hal reer baa?Also adeer cabdi kumade resides in bakool but you hardly hear from them what gives.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Ogaden - General Discussions”