Beled-xaawo, Somalia (AOL) – Waxaa wax aad loogu farxo ah in dhalinyarada ku nool gobolka gedo gaar ahaan magaalada Beled xaawo uu durba ka muuqdo sansaan isbadal wanaagsan ah, kaasoo la oran karo waxay dareemeen saxan saxo nabadeed kadib markii ay dhalinyaradii da’da yaraa oo inta badan ah ardada magaalada beled xaawo iyo degmaayinka ka agdhow ay u bilaabatay kulamo cayaared oo aad u xiisa badan oo ku abuuri kara is badal ay ku ilaawaan colaaadii soo daashatay mudada dheer gobolkaas gedo gaar ahaan magaalada buulo xaawo.
Waxaa bilsaabatey maalinimadii doraad ahayd cayaar dhex mareysa 4 kooxood oo ku tartami doonta kooxda horyaalka noqon doonta taasaoo farxad iyo raynrayn ku abuurtey dhalinyarada ku nool degmada beled xaawo iyo degmooyinka kale ee gobolka gedo ee ka ag dhowba.
Cayaartii ugu horeysey ee kulamada 4-tan kooxood yeelan doonaan waxaa isku haleelay oo ay dhex martey labada kooxood oo kala ah kooxda la magac baxdey Maleeshiya iyo kooxda aan ka yareysan ee Qodhob cayaartaas oo ku bilaaabatey 4:00 pm ama galabnimo ayaa ku bilaabatay weerar iyo weerar celis xoogan oo yaan lagaa badin ah, ayaa labadii qayb ee ciyaartaba waxay ku soo gabagaboowdey labadii kooxood oo barbar dhac noqdey 0-0, waxaana ugu danbeyn loo dhigay Rigoorooyin taasoo ahaa xeerka la isku raacay oo ah kala bax, waxaana cayaartii gool ku laadka xorta ah guushii ku raacdey kooxda Maleeshiya oo ku guulaysatey ineey dhaliso 3-gool, halka kooxda Qodhob looga badiyey 2 gool oo ay dhashatey, ciyaartiina waxay kusoo gaba gaboowdey 3-2.
Labada kooxoodba waxaa si buuxda taageero hagar la’aana ula garab taagnaa bulsha weyn aad u fara badan oo usoo daawasho tagtey garoonkaas kubada cagta ee degmada Beled Xaawo, waxaana balantu ahayd inay shalay kulan iskaga hor yimaadaan labadii kooxood oo kale oo ka mid ahaa 4-tan kooxood ee tartanku uga biloowdey magaalada beled xaawo ee gobolka Gedo oo ah labo kooxood oo aad u kulul ishana si gaara loogu hayo inta badana cayaar wanaag kusoo bandhiga garoomada magaalada beled xaawo balse nasiib daro cayaartii shalay waxay noqotey mid baaqatey roobab ka hoorey magaalada beled xaawo daraadeed ayeyna u suura geli weydey ineey cayaartaasu dhacdo iyo weliba qarankii soomaaliyeed oo la dheelayey galabtaas xulka dalka Ethiopia daawashadeedii, waxaana labadaas kooxood dib u wada cayaari doonan maalinta beri ah Haduu alle idmo.
Waxaa qaban qaabada iyo suuragelinta kulamadan dhalinyarada lagu baraarujinaayo ee cayaareed u suura galiyey da’ yartaas taageero hiil iyo hooba lehna la garab istaagey ururka wadaniga ah ee soomaaliyeed ee la yirahdo Jubba center for peace and development oo ay gudoomiyaha ka tahay gabadha soomaaliyeed ee qaaliga ah Duniya Cismaan Yuusuf oo ka mid ah qurba joogta kasoo jeeda deegaankaas una guntatey sidii ay dadkeeda iyo dalkeeda u horumarin lahayd, taasoo ah tilaabo ku dayasho mudan sidii dhalinyaradaas colaadu soo daashatey loogu ababan lahaa dhinaca ciyaaraha.
Warbixintan waxaa noo soo gudbiyey horjooga yaalka kooxaha tartanku u biloowdey sida maxamed xusseen cabdi kubeey iyo Canab cabdi cabdullaahi Kululi oo ah wakiilka Jubba Center For Peace And Develpment oo marka lasoo gaabiyo la yiraahdo JCPD.
Duniya Osman Yusuf
Chairlady and Peace Activist
Jubba Centre for Peace and Development (JCPD)
P.O Box 105366-00101
NAIROBI Kenya
Tel 020 2624468
Cell 254 717 148 898…..
peacecenterdevelopment@gmail.com
————
Qoraalkaan waxaa AOL usoo gudbiyay Durraan shirwac, London/UK
Email-durta21@hotmail.com


