and i came across this article
March 03, 2011 - QOL - Salaamulaahi Calaykum dhamaan Umada Somaliyeed ee Xalaasha ah.
Waxaan idaacada VOA Somali ka dhagaystay, Xisbi cusub oo lagaga dhawaaqay dalka Uk. Xisbigaas oo loo bixiyey Hiil Qaran. Xisbigaas oo ay ku dhawaaqeen, laba nin oo kala ah Abdirisaaq Haaji Hussein & Abdi Ismail Samatar.
Hadaba waxaan rabaa in aan wax yar ka iraahdo arinta xisbigaas sida ay aniga iigu muuqato ama ay ila tahayba.
Waxaan wax yar ka oranayaa Abdirizaq Haaji hussien's
Mr. Hussein Wuxuu ahaan jiray raisal wasaarihii Somaliya ee uu magacaabay Alle ha u naxariistee Madaxwene Adam Abdulle Osman.
In Abdirizaq raisal wasaare loo magacaabo xaq uma lahayn balse waxaa xaq u lahaa Gobolka waqooyi galbeed ee Hargaysa Capitalka u tahay Qof ka yimaada. Taasina waxay ahayd heshiis ay wada galeen labada gobol ee waqooyi & Konfurta Somaliya. Waxaana ka mid ahaa waxyaalihii ay ku heshiiyeen, in konfrurna ay Madaxwenaha qaadato, Waqooyina uu Raisalwasaaraha ka yimaado.
Balse nasiib daro kadeed la kadeeday ama lagu dhibay, Madaxwenihii waagaasi jiray ee, Adam Abdulle's darteed ayaa ku kaliftay in uu bal iska magacaabo Abdirizaq.
Hadaba Magacaabistii Abdirizaq maxay faaido ah oo u keentay Ummada Somaliyeed?
Waxay u keentay Dhib, Musuq maasaq, Qabiilaysi Xoogan, Boob Hantida Umada Somaliyeed ka dhaxaysay oo si aan xaq ahayn loogu adeegto lagu tagrifalo. Taas oo sababtay xitaa Dorashadii Madaxweynenimada ee 1968dii in la Musuqmaasiqo. Sidaasna loo sheegay Ummada Somaliyeed in lagaga badiyey Madaxweyne Adam Abdulle Osman.
Hadaba Somaliyeey Abdirizaq waa ninkaas mar na soo maray ee aan waxyaabahaasi aan ka xasuusano mudadii dowladiisa.
Abdi Ismail Samatar's.
Mr. Samatar's Waa Wiil ama Oday Somaliyeed. Waxaa uu ka soo jeedaa, gobolka waqooyi Galbeed oo hada qaatay magaca Somaliland.
Somaliland dadka dagaa waa dad badan oo ka kooban inta ay Qabailada Somaliyeed ka koobantahay hal Qabiilba ha u tiro badnaade.
Qowmiyadaasi Gobolka Waqooyi dhib farabadan oo kaga yimid xaga koonfurta awigeed ayaa waxay Go,aansadeen in ay ka goostaan Koonfurta Somalia, oo ay noqdaan Dowlad gaar ah, kana tashadaan ayahooda nololeed & dhismaha dadkooda & dalkoodaba.
Arinta Goosashada waxay ka mid ahyd heshiiskii ay la galeen konfurta 1950. 1960kii 26kii June waxaa Magaalada Hargaysa laga taagay calankii Somalia.
Hadaba Ummada Xadaaradaas leh ee uu ka soo jeedo Mr. Samatar's hadii uu nin wanaagsanyahay maxaa uu u mucaaradayaa dadkiisa wixii ay doorteen 95/100?
Shacabku badankiisa waxa ay doortaan ayaa ah oo in la raaco ay tahay.
Marka horta Mr. Samatar's ha adeeco oo ha raaco Rabitaanka Ummada Somaliland.
Sideen xisbi uu madax ka yahay Ummada Koonfureed u aamini kartaa, nin kaligiis diidan wax ay Shacabkiisa Somaliland doorteen?
Waxaan leeyahay, walaal orod oo adeec Rabitaanka Shacabkii aad ka timid & Mandaqadii aad ka timid.
Mr. Samatar's muxuu kaga duwanaandoonaa Dictaytarada kale ee hadeer dhibayo Ummadahooda? Sababta oo ah hadeer ayuuba mucaaradaa Ummadiisa Somaliland rabitaankooda. Hadhowna hadii uu xisbigiisu xoogaysto soow diidi maayo rabitaankayaga?
Waxaase iga su'aal ah:
Maxaa qaylada xisbigan loo bixiyey Hiil Qaran ku soo beegay, ka dib markii kursiga Raisal wasaaranimada laga tuuray ninka ka yimid Gobolka Puntland?
Maxaase, Abdi Ismail horayba waa u aamusnaye ma waxaa ku dhaqaajiyey markii Daahir Riyaale laga adkaaday ee uu Siilaanyo Madaxwene ay Ummadiisa u doorteen ayaad diidantahay?
Horta Somaliland iska soo dhis oo soo dhis oo adeec rabitaankooda walaal markaas noo imaw.