
NAYROOBI : Duqa Bosaaso oo lagu xiray garoonka diyaaraha kadib markii rasaas….
November 20, 2011 11:15 am GMT - Written by Editor - Edited by Editor
Nayroobi:-Duqa magaalada Boosaaso Xassan Cabdalla Xassan oo ka mid ahaa masuuliyiin isugujirtay Wasiiro iyo Guddoomiyaal Degmo oo shalay u duulay magaalada Kampala iyaka oo taraansit ku sii ahaa magalada Nayroobi ayaa waxaa la sheegay in boorsadiisa laga helay rasaas si khaldan boorsadiisa ugu jirtay kadibna ay ciidanka ammaanka ee garoonka ay qabteen oo ay xireen.
Masuuliyiintii kale ee ay wada socdeen Duqa ayaa waxaa la sheegay in ay u gudbeen magaalada Kampaala oo ay awalba kusi jeedeen.
Halka ka daalaco markii ay masuuliyiinta PL oo uu ka mid ahaa Duqa Boosaaso ay ka duulayeen garoonka diyaaradaha ee Garoowe
Ma aha markii ugu horaysay ee si khalad ah dad Puntland ka tagay boorsadooda laga helo baaskoolad ama rasaas taas oo muddo markii ay xirnaayeen la sii daayay.
Tafaasiisha warkan kala soco Insha’allaah Puntlandpost.com
Puntlandpost.com
Disgraceful
