
Madaxweyne Sharif: “Umada Soomaaliyeed fanka taariikh dheer ay u leedahay”
Madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Sheekh Sharif Sheekh Axmed ayaa marki ugu horeysay amaanay doorka fanaaniinti hore ee Soomaaliyeed iyo fanka ay umada Soomaaliyeed caanka ku aheyd.
Sheekh Shariif oo maanta ka qeybgalay munaasabad ka dhacday oo ujeedkeedu ahaa soo nooleynta fanka Soomaaliyeed iyo dib u dhiska Golihi Murtida iyo Madadaalada ee Tiyaatarka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Soomaalida ay caan ku tahay fanka.
Waxa uu Shariifka ugu baaqay fanaaniinta iyo abwaanada Soomaaliyeed in ay la yimaadaan fan cusub oo toosan kana maran qilaaf iyo qalooc sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in tiyaatar ama masrax uusan ka maarmin dal walbo iyo umad kasta oo caalamkan ku nool, waxaana uu tusaale usoo qaatay oraah carbeed oo muujineysa ahmiyada masraxa.
“Carabta waxay dhahdaa masrax isii umad aan ku siiyee, marka tiyaatarka runtii waa muhiim waxaana dhamaanteen naloogaga baahanyahay in aan soo nooleyno,” ayuu yiri madaxweynaha.
Ugu danbeynti madaxweynaha ayaa saaray dhamaan hey,adaha dowlada iyo maamulka gobolka Banaadir lacago gaaraya $100,000 “Boqol kun oo doolar” taasi oo lagu bilaabayo wajiga koowaad ee dayactirka tiyaatarka.
“Maanta aniga ayaa xakumayo lacaga, ka biloow madaxtooyada waxaan ka jareynaa miisaaniyada $10,000, ku xeji gobolka Banaadir, Tarsan wuu nala fadhiyaa isaga ayaa ugu jeeb roon $10,000 ayaa dul saaray, ra’isulwasaaraha iyo gudoomiyaha baarlamaanka maadaama ay naga maqanyihiin waxaan saaray $5,000, haweenka iyaga oo kaashanaya kuwa dalka iyo dibada waxaan $10,000,” ayuu yiri.
Tiyaatarka magaalada Muqdisho ayaa ka mid ahaa meelihi sida aadka ah ugu bur buray dagaaladi sukeeyey, waxaana hada bilowday barnaamijkan lagu soo nooleynayo tiyaatarka Xarunta Wadatashiga iyo Cilmi Baarista CRD.
Horseed Media