Page 1 of 1

Dhabad town neighborhoods get water connection pipe-PIC

Posted: Mon Nov 21, 2011 4:29 pm
by XimanJaale
Image
Degmada Dhabad ayaa waxaa ka bilowday biyo galin lagug samaynayo xaafadaha Degmada Dhabad.

waxaa bilaabay biyo galintan dhawaan ceel matoor laga hirgaliyay Degmada kadib mudo wareer iyo biyo ciriiri uu ka taagnaa degmadaasi waxaana hirgalinta ceelkani gacan ka gaystay qurba joogta Degmada Dhabad iyo Dadka Deegaanka.

Booqasho aan ku gaaray dhawaan Degmada ayaa ku arkay gudaha iyo hareeraha Degmada dhismayaal cusub oo dhawaan laga hirgaliyay iyo mashruucan biyo galinta waana horumar ay Degmadeenu waqtigan ku talaabsatay.

Dhinaca kale waxaa wali qabyo ah oo goobaha bulshada muhiimka ugu ah sida isbitaalka iyo goobaha waxbarashada iyo saldhiga degmada Dhabad.

waxaana ay u baahan yihiin dayactir guud iyo soo fiirin dadka ku abtirsada deegmada Dhabad ee beesha Sade.