Ururka SASDO creates seminaar for elders in Galgaduud

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Ururka SASDO creates seminaar for elders in Galgaduud

Post by XimanJaale »

Sade Student Development Organisation starts a peace and war solving seminaar for elders in Caabudwaaq, Galgaduud.
Ururka SASDO oo qaban qaabinaya Siminaar Odayaasha dhaqanka ee Deegaanka Galgaduud lagu barayo Nabadda iyo Xallinta Khilaafaadka
Ururka SASDO ayaa waayadan oo dhan wuxuu ku hawlanaa qaban qaabada siminaar heer sare ah oo ku qabanayo Magaalada Caabudwaaq ee Gobalka Galgaduud.



Siminaarkaan ayaa Ururku wuxuu ugu talagalay Odayaasha Deegaannada Caabudwaaq, Dhabbad, Ballanballe, Bangeelle iyo Yamaarugley.



Odayaasha Siminaarka loo qabanayo ayaa ah Odayaasha deegaannadaas macruufka ka ah looguna laabto wixii deegaannadaas ka dhaca.



Odayaasha loo qabanayo Siminaarkaas ayaa gaaraya ilaa 40 Oday, waxaana Siminaarkaas lagu qabanayo Magaalada Caabudwaaq, wuxuuna Ururku isku hawlayaa Odayaasha ku sugan Caabudwaaq mooyee in uu Odayaasha kale ka keeno Magaalada Deegaannada kale si ay Siminaarkaas uga qayb qaataan.



Waxaa kale oo Siminaarkaas lagu casuumay oo ka soo qeyb galaya siminaarkaas Maamulka Culimada Ahlu-sunna Wal-jamaaca.



Siminaarka Casharada lagu bixinayo ayaa waxaa iska kaashanaya diyaarintooda xafiisyada Ururka Ee Magaalada Karachi ee Waddanka Pakistan iyo Xafiiska Nayroobi ee Waddanka Kenya, iyadoo casharadaasna ay bixin doonaan Aqoon yahanno ku sugan deegaannadaas oo horey uu ururku u geeyey deegaannadaas si ay hor mariyaan deegaannada.



Siminaarkaas ayaa waxaa la qorshaynayaa in uu dhaco sitimaanada soo socda haddii alle yiraahdo, iyagoo la rajanayo in uu ka dhaco hoteellada ugu waaweyn magaalada Caabudwaaq wuxuuna soconayaa ilaa 3beri.



Marka uu siminaarka dhammaado waxaa la guddoonsiin doonaa Odayasha Shahaadooyin iyadoo billadana la guddoonsiindoono odayaasha loo arko in ay wax badan ka soo qabteen deegaannadaas.



Xafiiska Ururka SASDO ee Karachi,
sasdo@live.com
Cabdirude@hotmail.com

Tel: 0092 3232 727 523
http://sasdo.org/?p=464
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”