Muqdisho (RBC Radio) Mudo Afarsaacadood ah ayaan ku sugnaa gudaha garoonka diyaaraha Caalamiga ah ee Adan Cabdulle Cusmaan Adan Cade ee kuyaala magaalada Muqdisho, garoonka ayaa haatan waxaa laga dareemayaa is badal aad u balaaran.
Dhan walba oo aad ka eegto garoonka waxaad dareemeesaa in uu jiro isbadal balaaran oo ku aadan dhanka hormarka oo uu ku tilaabsaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho.
Dhanka Bilicda iyo dhismaha Garoonka.
Waxaad dareemeysaa in ay wax badan isla badaleen waxaa jira dhismayaal badan oo lagu kordhiyay garoonka Muqdisho sida Xafiisyo iyo dhismayaal kale oo badan.
Garoonka iyo dhismihiisa wax badan ayaa iska badalay sidii uu horay u haan jiray waxaana haatan aad dareemeysaa in bilicdiisa ay aad u qurux badan tahay marka aad gudihiisa ku jirtid.
Waxaa la sameeyay qaybo kala duduwan oo aad u badan kuwaasi oo ay diyaarada ku sii sugaan rakaabka doonaya in ay safarada u baxaan oo ka duulaya Muqdisho.
Dhanka Maamulka iyo Amaanka Garoonka.
Garoonka diyaaradaha ee Adan Cade waxaa maamulo shirkad Ajnabi ah taasi oo ah Shirkada SKA waxaa jira shaqaale badan oo cadaan iyo madow isugu jira oo Ajaanib ah oo ka shaqeeya garoonka, sidoo kale waxaa kuyaala garoonka Xafiisyo waaweyn oo ay leedahay shirkada SKA, sidoo kale garoonka waxaan ku arkay qalab badan oo ay leedahay shirkadaan sida gawaarida Dab damisyada ah, iyo gawaari kale oo yar yar iyo alaabo kale oo looga shaqeeyo garoonka.
Amaanka garoonka diyaaraha ee Adan Cabdule Cismaan Adan Cade waxaa mid aad u wanaagsan isla markaana in badan laga shaqeeyay waxaa amaanka wada sugaya ciidamo Soomaaliya ah iyo kuwo Ajnabi ah, sidoo kale waxaa jira dad badan oo dhar cad ah ama aanan wadan dharka ciidamada kuwaasi oo si aad ah ula socda dhaq dhaaqa amaanka.
Waxaan doonayay in aan ka duulo garoonka Muqdisho anoo ku sii jeeday magaalada Barbara ee maamulka Soomaaliland, intii aan dhameesanayay howsha safarkayga waxaa la kulmay ilaa iyo Shan meelood oo baaritaano ah, iyadoona meelaha qaar dadka lagu baarayay qalab, waxaana taasi ay muujinaysaa sida amaanka looga taxadarayo.
Inkastoo ay jiraan dhinacyadaasi badan oo hormar laga gaaray ayaa hada wali waxaa dareemeysaa in ay wax dhimanyihiin marka garoonka Muqdisho loo eego garoomada aduunka kuyaala
Maxamed Kaafi Sheekh Abuukar
RBC Radio
Xafiiska Wararka Muqdisho
Garoonka Muqdisho iyo Wixii Aan ku Arkay
Moderators: Moderators, Junior Moderators
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
- TheblueNwhite
- SomaliNet Super
- Posts: 11301
- Joined: Mon Feb 14, 2011 2:34 pm
- Contact:
Re: Garoonka Muqdisho iyo Wixii Aan ku Arkay
Good stuff 

- BanadirBeauty
- SomaliNet Heavyweight
- Posts: 1315
- Joined: Sun Aug 21, 2011 12:35 am
Re: Garoonka Muqdisho iyo Wixii Aan ku Arkay
Madena is slowly coming back to life, alhamdulillah. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 5985 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 4 Replies
- 461 Views
-
Last post by Transformer
-
- 3 Replies
- 454 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 12 Replies
- 733 Views
-
Last post by DR-YALAXOOW
-
- 10 Replies
- 931 Views
-
Last post by barbarossa
-
- 0 Replies
- 249 Views
-
Last post by shaamboo
-
- 9 Replies
- 701 Views
-
Last post by Hyperactive
-
- 6 Replies
- 580 Views
-
Last post by CaliBurco
-
- 23 Replies
- 1212 Views
-
Last post by Sir-Luggoyo
-
- 0 Replies
- 453 Views
-
Last post by theyuusuf143