PL free SL prisoners as faroole promise to silanyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

PL free SL prisoners as faroole promise to silanyo

Post by FBISOMALIA »

Image

Garoowe:-Waxaa maanta cafis Madaxwayne lagu sii daayay 8 Maxbuus oo ku xukunaa 5-10 sano kuwaas oo laga soo qabtay magaalada Taleex ee gobolka Sool iyaka oo gacansiinaya maamulka Somaliland kadib isku horimaad Ciidamada Puntland ku dhexmaray Ilaalada ragaan.

Kusimaha Taliyaha Ciidanka Booliska iyo Asluubta Puntland Gen. Maxamed Saciid Jaqanaf ayaa waxa uu sheegay in Maxaabiistan lagu sii daayay cafis Madaxwayne kadib markii ay codsaeen in la sii daayo oo ay sheegeen in ay ka waantoobayaan waxyaalihii laga soo qabtay wuxuuna sheegay maanta laga bilaabo in ay dib u heleen xoriyadoodi.

Taliyaha waxa uu sheegay in lagala wareegay gaadiid iyo waxyaale kale oo lagu soo qabtay Maxaabiisatan.

Mid ka mid ah Maxaabiista maanta dib u heshay xoriyadoodii oo lagu magacaabo Cabdirashiid ayaa waxa uu sheegay in ay iyaka Issimadooda iyo Waxgaradkooduba ay codsadeen in la sii daayo wuxuuna sheegay in uu ku faraxsan yahay cafiska loo fidiyay, isaga oo kawaramaya mudadii uu ku jiray Xabsiga waxa uu la kulmay ayaa waxa uu sheegay in si wanaagsan loola dhaqmay waxa kaliya ee uu sheegi karana ay tahay in silsilad ay lugaha kaga jirtay mudadii uu xirnaa islamarkaasna uusan haysan wax xoriyad ah.

Mar la waydiiyay waxa uu qabanayo marka uu dib u laabto ayuu akhriyay Aayad sheegaysa dhulka mara oo socda oo irsaaqada Eebe raadsha.

Maxaabiista maanta dib u helay xoryadoodii ayaa waxaa magaalada Taleex xoog looga soo qabtay 08-09-11, waxayna markii hore dhamaayeen 23 Maxbuus balse sida uu Taliyuhu sheegay intii kale horaa loo sii daayay.

Puntlandpost.com
User avatar
accident
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3782
Joined: Tue Sep 27, 2011 1:06 pm
Location: Auckland, New Zealand

Re: PL free SL prisoners as faroole promise to silanyo

Post by accident »

Thank you for freeing Somalis from Somali prisons.
User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Re: PL free SL prisoners as faroole promise to silanyo

Post by FBISOMALIA »

accident wrote:Thank you for freeing Somalis from Somali prisons.
the man respect his agreement SL good customers 8-) :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”