
The Moffets

Khadar Farole

Madaxweyne Faroole oo heshiis la galay shirkad Maraykan ah oo Wax ololeysa una xilsaaray hawlahaas wiil uu dhalay
About:- 3 mins ago| 3 Commnets
Qoraal dhawaan soo shaac baxay oo laga helay dhanka Madaxtooyada Dowlada Puntland ayaa lagu sheegay in lagu magacaabay wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland inuu qabto Jagada Isuduwaha dib usoo nooleynta Baaritaanka Shidaalka ee shirkad Conoco/Phillips ee laga leeyahay dalka Maraykanka.
Sida qoraalkan ku cad waxaa saxiixay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole 7dii bishii June ee sanadkan 2011.
Qoraalkan ayaa loo gudbiyey shirkad lagu magacaabo (The Moffet Group) oo fadhigeedu tahay magaalada Washington DC ee caasimada dalka Maraykanka.
Shirkadan The Moffet Group ayaa laga codsaday in Puntland kala shaqeyso sidii looga dhaadhicin lahaa shirkada ConocoPhillips inay dib u timaado deegaanada Puntland oo ay horey uga sameysay baaritaano shidaal kahor dagaalkii sokeeye ee dalka Soomaaliya 1991dii.
Shirkada ConocoPhillips ayaa inta badan gobalka Nugaal ka sameysay baaritaano shidaal ayadoo horey u calaamadesay goobaha uu shidaalka ku jiro walow aan lagu guuleysan shidaalkaa in lasoo saaro, xiligii dowladii Siyaad Barre.
Qoraalkan bishii June 7dii kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha Puntland ayaa lagu wargelinayaa The Moffet Group in dowlada Puntland hawlahan isuduwe ugu magacowday Khadar Cabdiraxmaan Maxamed Faroole, oo ah wiil uu dhalay Madaxweynaha Puntland.
(Halkan ka akhriso Qoraalkii Madaxweynaha Puntland xilka ugu magacaabay Khadar)
Maxay tahay shirkada The Moffet Group
Shirkada ay kireysatay Dowlada Puntland ee The Moffet Group ayaa laga doonayaa inay u ololeyso dalka Maraykanka sidii shirkada shidaalka ee Conocophillips dalka Soomaaliya gaar ahaan Puntland dib ugu soo noqon laheyd.
Dowlada Puntland ayaa heshiiska ay la gashay The Moffet Group aan la cadeyn ama la shaacin, balse waxaa si khaldan banaanka ugu soo baxday magacaabida Khadar Cabdiraxmaan oo qoraalka lagu magacaabay si hoose usoo gudbiyeen xubno kamid ah dowlada Puntland.
Balse waxaa illaa iyo hada la xaqiijiyey in heshiiskan uu hogaaminayo nin horey uga tirsanaan jiray Golaha Congreska (Baarlamaanka) Maraykanka oo lagu magacaabo Anthony Toby Moffett oo ka tirsanaan jiray Xisbiga Dimuquraadiga (Wuxuu mateli jiray Gobalka Connectict). Ninkan ayaa ah kan iskaleh shirkadan Puntland ay heshiiska la gashay ee The Moffet Group oo sidata magaciisa.
Mr.Moffet oo asagu u waramayey qaar kamid ah Saxaafada Maraykanka ayaa sheegay inuu cadaadis saari doono shirkada ConocoPhillips waxaana erayadiisa kamid ahaa:
“I don’t want to kick the daylights of Conoco. I just want to ask them what their plans are,”
“Ma doonaayo inaan kulaado ama ku cadaadiyo shirkada Conoco. Waxaan rabaa inaan weydiiyo waxa uu yahay qorshahooda..” ayuu yiri Mr.Moffet.
Sida ay sheegtay Shabakada THE HILL ee uu wareysiga siiyey Mr.Moffet, waxay dowlada Puntland shirkada The Moffet Group siin doontaa $10.000 (Toban Kun oo dollarka Maraykanka ah) Bil walba.
Heshiiska Puntland la gashay The Moffet Group ayaa socon doona muddo 1 sano ah sida uu sheegay Mr.Moffet.
(Halkan ka akhriso warbixinta shabakada The Hill ay arrintan ka qortay)
http://thehill.com/business-a-lobbying/ ... to-somalia
Mr.Anothy Toby Moffet ayaa sanadihii sideetameeyaha kamid ahaa Golaha Baarlamaanka Maraykanka balse sanadihii sagaashamaadkii kadib markii uu ku guuldareystay inuu dib loo soo doorto isu rogay ragga ka dhex ololeeya Baarlamaanka asagoo markaasi u shaqeenayey Shirkada (Hill and Knowlton Public Affairs Worldwide) wuxuuna u qaabilsanaa dhanka ololaha siyaasada asagoo markaasi ku shaqeyn jiray magaca kooxda (the Wexler Group)
Kooxda The Wexler Group ayaa kamid ahaa kuwii u ololeyn jiray Dagaalkii GULF WAR 1 ayadoo shirkadaasi lacag ka heli jiray Boqortooyada Kuwait oo xiligaasi dagaal xun ka dhaxeeyey Saddam Husseinkii xukumi jiray dalka Ciraaq.
Mr.Anothy Toby Moffet ayaa hadda sameystay shirkad ololeysa oo isaga u gaar ah taasi oo sidata magaciisa (The Moffet Group), waxaana kamid ah dadka ay u ololeyso qaar kamid ah shirkadaha soosaara daawooyinka ee dalkaasi Maraykanka, kuwaasi oo si weyn looga yaqaan galgalka ay ku dhex leeyihiin Baarlamaanka iyo dowlada Maraykanka heerarkeeda kala duwan.
Balse waxaa la is weydiinayaa in heshiiskan ay Puntland kula gashay siyaasigan isu rogay ololeeyaha (Lobbiyst) ee mushahar ahaan loo siin doono $10.000, bil walba muddo sanad ah ayaa dhaqaalaha ku baxeya gaarayaa $120.000 (Boqol iyo Labaatan kun oo dollarka Maraykanka) sanadka ugu horeysa, sida uu sheegay Mr.Moffet.
Heshiiskan maaha kii ugu horeeyey oo ay dowlada Puntland la gasho koox ama shirkad la sheegayo inay u ololeyn doonto dowlada Puntland gudaha maamulka Maraykanka.
Sanadkii 2009, waxaa horey u jiray shirkad lagu magacaabo (Duane Morris) oo ayadu Madaxweyne Faroole heshiis kula galay u ololeynta siyaasada Puntland ee dalka Maraykanka. . Shirkadaas ayaa heshiiskii lala galay uu ahaa in ayadana lasiiyo muddo sanado ah $ 10.000 (toban kun oo dollar) bil walba.
Walow aan la aqoon heshiiskaas meesha uu ku danbeeyey iyo dhaqaalaha ku baxay toona.
(Halkan ka akhriso qoraalkii Horseed Media ee sanadkii 2009)
Heshiisyadan maaha kuwo horey loo horkeenay Baarlamaanka Puntland mana cada in Golaha Wasiiradu ay ayaguna ansixiyeen iyo in kale, taasi oo keenaysa in wax war ah aysan dowlada Puntland arrimahan kasoo saarin, marka laga reebo qoraalada sida hoose uga soo fakanaya qeybo kamid ah xafiisyada Madaxtooyada Garowe.
Waxaa ayaduna la is weydiinayaa xili Dowlada Puntland ay gabaabsi ku tahay mushaharka ciidamada Amniga suga, in dhaqaale noocaan ah lagu bixiyo Shirkado wax ololeeya, xili aan la ogeyn meeshii ay ku baxday dhaqaalihii horey Puntland u siisay shirkadii Washington DC ka ololeyn jirtay ee Duane Morris oo meesha ay ku danbeysay aan la ogeen illaa iyo hadana aan la horkeenin Baarlamaanka.
Khadar Faroole Isuduwaha dib usoo nooleynta Baaritaanka Shidaalka ee shirkad Conoco/Phillips
Waxaana sidoo kale qeexneyn dhaqaalaha mushahar ahaan loo siin doono Wiilka uu dhalay Madaxweynaha Puntland ee Khadar Cabdiraxmaan hawsha loo magacaabay ee isuduwaha hawlaha olalaha The Moffet Group uga sameyn doonto dhanka Maraykanka ee ku aadan shirkada shidaalka ConocoPhillips.
Dhanka kale Khadar ayaa noqonaya wiilkii labaad ee uu dhalay Madaxweynaha Puntland oo si rasmi ah jago looga magacaabo dowlada Puntland, tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Macada khibrada uu Khadar arrimahan u leeyahay .
Madaxweynaha Puntland ayaa asagu horey wiilkiisa curadka ah ee Maxamed Cabdiraxmaan ugu magacaabay Lataliyahiisa dhanka Saxaafada iyo Warbaahinta.
(Halkan ka dhageyso Maxamed Faroole oo ka waramaya xilka Madaxweynaha u magacaabay)
http://horseedmedia.net/2009/11/30/maxa ... -dhegayso/
Inkasta oo Labada wiil (Maxamed & Khadar) ee Madaxweynuhu dhalay isla markaana xilalka u magacaabey ay yihiin muwaadiniin Puntland ah xaqna u leh in ay qabtaan masuuliyad ayaa arrimaha caynkan oo kale ah keenaan waxa loo yaqaano “Conflict of interest” kadib markii la kala garanwaayo nidaamka, sharciga danta shacabka iyo danaha qoyska, isla markaana la difaaco musuqmaasuqa iyo ku tumashada sharciga, waxaana arrimaha caynkan ah caan ku ah keligood teliyaasha booba hantida shacabka kuwaas oo aan aaminin cid aan qoyskooda ahayn, waxayna horseedaa in shacabku ka aamin baxaan kana hor yimaadaan falalka caynkan oo kale ah.
Khadar ayaa in muddo ah ku dhexjiray hawlaha shidaal baarista ee Puntland, tan iyo intuu xilka qabtay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Faroole. Ayadoo horey loo hadal hayey in xil loogu dhiibi doono xafiiska African Oil Corp. ee hawlaha shidaal baarista ka wada deegaanada Dharoor iyo Nugaal ee Puntland.
Sidoo kale arrimahan ayuusan horey uga hadlin Agaasimaha Batroolka u qaabilsan Puntland ee Ciise Dholawaa oo asagu xiriir dhow laleh Madaxweynaha isla markaana kamid ahaa xubnihii ololaha doorashada kala qeyb qaatay Dr.Faroole, kana mid ah xubnaha Dowlada Puntland ku jira ee ka yimid dhanka dalka Australia.
Heshiisyada macdanta iyo waliba Batroolka ee Puntland ayaa noqday kuwo had iyo goor si hoose loo galo oo aan shacabka Puntland loo soo bandhigin tan iyo intii baaritaanka Batroolka ka bilaabatay Puntland xiligii ay dalka ka talineysay dowladii Gen.Maxamuud Muse Xirsi (Cadde Musse).
Xiligaasi oo uu Dr.Faroole kamid ahaa xubnihii sida weyn uga soo horjeestey heshiisyadii dhanka macdanta ahaa ee xukumadii Cadde Musse ee uu wasiirka ka ahaa ay la gashay shirkadaha shisheeye.
Hase yeeshee Dr.Faroole ayaa markii uu xilka Madaxweynaha qabtay meeshoodii kasii waday heshiisyadii horey u gashay xukuumadii Cadde Musse, ayadoo lagu soo kordhiyey shirkado cusub oo aan tiradooda iyo magacyadooda loo shaacin Baarlamaanka iyo Shacabka Puntland toona.
Ahmiyada ugu weyn ee heshiisyadan ayaa salka ku haya dhaqaalaha Puntland ee shirkadahan laga qaadayo ama dhaqaalaha Khasnada Puntland ka baxaya ee lagu bixinayo heshiisyada shirkadaha lamidka ah The Moffet Group, Sarencen iyo Duane Morris oo aan la aqoon caddadkooda iyo sida loo bixiyo dhaqaalahaas, ayadoo dhaqaalahan aan lagu qeexin ama lagu soo darin Miisaaniyada Dowlada Puntland.
Dhaqaale yahanada arrimahan aan u bandhignay ayaa dhamaantood isku raacay in xiligan marka la eego dhaqaalaha Puntland iyo xaaladaha amni ee ka jira dhulka Puntland ay aad u adag tahay in dhaqaale intaan la eg lagu bixiyo shirkado waxqabadkooda aan cadeyn isla markaana aan la ogeyn waxa ay u keeni doonaan dowlada Puntland mustaqbalka.
Xiligan ayaa waxaan muddo bilo ah mushahar aan lasiin shaqaalaha Dowlada Puntland qaarkood , ayadoo Dowlada Puntland ee Dr.Faroole sanadkii ugu horeeyey ku guuleystay inay mushaharada bixiso balse sanadkii lasoo dhaafay iyo kan lagu jiro hada ayaa noqday mid aan mushaharka siduu ahaa loo bixin, ayadoo ay kamid yihiin hay’adaha mushaharka ka maqan yihiin Ciidamada Amniga iyo nabadsugida.
Horseed Media ayaa email u dirtey Madaxtooyada Puntland ee Garowe si ay faalo uga bixiyaan heshiisyadan iyo qoraalka lagu magacaabey Khadar Faroole, laakiin wax jawaab ah ma aysan ka bixin arintan.
The evidence of the agreements, farole naming his son as minister, Pdf documents visit below
http://horseedmedia.net/2011/11/26/hesh ... fet-group/
Hussein Farah
Horseed Media