



Goobaha wax lagu baro caruurta Barakacayaasha oo Boosaaso ku soo badanaya [SAWIRO]
About:- 1 min ago| 0 Commnets
Magaalada Boosaaso oo ah magaalo ay ku dhaqan yihiin qoysas badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo kasoo barakacay gobolada ay colaadaha iyo abaarhu ka jiraan ee dalka ayaa waxaa kusoo badanaya goobaha waxbarasho ee caruurta dadka Barkacayaasha ahi ay wax ku bartaan.
Dhamaan xaafadaha magaalada Boosaaso iyo gudaha Kaamamka ay dadkaasi ku dhaqan yihiinba waxaa ka furan Iskuulo H/Dhexe, Iskuuladaas oo intooda badan si bilaash ah wax loogu baro ubadka yar yar ee ay dadkaasi dhaleen.
Hadaba si aanu ugu kuur galo xaalada waxbarasho ee caruurta daka soo qaxay ee magaalada Boosaaso ku nool ayaa waxaa maanta noo suurta gashay in aan booqano mid kamid ah xarumaha waxbarasho ee ku yaala magaalada Boosaaso taas oo ay caruur badani wax ka bartaan.
Maamulaha Iskuulkaas oo lagu magacaabo Xasan Cabdulaahi Xirsi oo Horseed Medi gudaha xaruntaas kula hadlay ayaa ka warbixiyey cida ka taageerta wax barista ubadkan iyo weliba tirada guud ee ardayda halkaas wax lagu baro.
Wuxuuna sheegay in Hay’adda NRC ay ka taageerto bixinta Mushaharaadka Macalimiinta iyo tababaristoodaba, islamarkaana ay ardayda u qaybiso Lebiska, Buugta, iyo guud ahaan agabyada kale ee waxbarashada lagama maarmaanka u ah.
Xasan ayaa sidoo kale sheegay in ardayda ay hayaan oo tiradoodu 150 ku dhow dahay ay intooda badan yihiin kuwo aanay u suurta gelin in yaraantoodii ay waxbarashada dugsiga hoose helaan , sidaas darteedna wax loo baro qaabka (wax barista sidkan) kaas oo ah in mudo yar loogu soo koobo wakhtigii ay dugsiga hoose ku dhigan lahaayeen.
Xasan Cabdilaahi Xirsi oo ah maamulaha mid kamid ah Iskuulada sida bilaashka ah wax loogu baro caruurta dadka soo barakacay ayaa ugu danbeyntii sheegay in dhowr sano kahor ay magaalada ku yaraayeen goobaha waxbarasho ee noocan oo kale ah hadase ay aad usoo bateen.
Wuxuuna isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyey in ay jiraan caruur badan oo waalidkood usoo shaqeeya sida Baalashleyaasha oo horay aaan nasiib ugu yeelan in ay wax bartaan hadase ay awoodaan fursadna ay heleen in gelinna wax la baro gelinka kalena ay shaqeystaan.
Horay dadka Barakacayaasha ahi waxay uga caban jireen in ubadkoodu aanay waxbarasho fiican helin haseyeeshee dadaalo badan oo ay Wasaarada waxbarashada ee Puntland iyo Hay’adaha dhinaca waxbarashada kala shaqeeya oo is kaashanayaa sameeyeen ayaa suurta geliyey in la daabo in badan oo kamid ah baahidii aqooneed ee ay caruurta dadka soo barakacay ee magaalooyinka waaweyn ee Puntland ku dhaqani qabeen.
Horseed Media
Boosaaso

Calmdown tightrope and come blasting IDPS for getting more service they are our somali brothers n sisters. Our locals are doing ok


