Qiimaha qabiilka iyo qurmuunka qabyaaladda. W/Q:- Axmed C/sa
Posted: Mon Nov 28, 2011 3:17 pm
Bulshada Soomaaliyeed waxaa aad u naafeeyay cudurka qabyaaladda, wuxuuna waxyeeleeyey diinteeda, nolosheeda, dhaqaaleheeda, miskaxdeeda, sharafteeda, wadajirkeeda iyo xataa jiritaankeeda ummad ahaaneed.
Dhinaca kale dad farabadan baa isku khalday qabiilka iyo qabyaaladda, iyada oo kan hore yahay nimco Ilaahay ku galladaystay addoomadiisa, halka qabyaaladdu ka tahay dhaqan jaahiliyo (diin la’aaneed) oo diinta islaamku inoo ka digtey, kuna
tilmaantay qurmuun.
Haddaba qormadaan waxaynu ku eegaynaa ujeeddada Ilaahay dadka uga dhigay qabiilooyin iyo faa’iidooyinka qabiilku u leeyahay bulshada, xugunka sheegashada iyo ku abtirsiga qabiilooyinka, xiriirka ugu adag ee isu haya muslimiinta, waxyaabaha
xoojinaya xiriirkaas, waxyaabaha dhaawacaya iyo waxyaabaha goynaya, siyaabihii nabigeena (صلى الله عليه وسلم) iyo asxaabtiisu
qabiilooyinka ula dhaqmi jireen, ugana faa’iidayn jireen, sida islaamku uga digay qabyaaladda iyo axaadiis badan oo muujinaysa xumaanteeda iyo wax ka mida raadadka xun xun ee qabyaaladdu ku reebtay bulshoweynta Soomaaliyeed, haddii Alle idmo.
Ujeeddada Alle dadka uga dhigay shacbiyaal iyo qabiilooyin
Shareecada islaamku waxay ku dadaashaa xoojinta xiriirada ka dhexeeya bulshada, xiriiradaas oo islaamnimada iyo Alle ka cabsigu saldhig u yihiin. Waxaa jira xiriirka islaamka iyo Alle ka baqista ka sokow xiriir dhalasho oo xagga hooyo iyo xagga aabbe ka yimaada, xiriir xididnimo, xiriir darisnimo iwm.
Ilaahay wuxuu yiri: “ dadkaanow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhadig, waxaana idinka dhignay shucuub iyo qabiilooyin; si aad isugu aqoonsataan, Ilaahay agtiisana waxaa idiinku sharaf badan kan idiinku cabsida badan”. Nabigeenu (صلى الله عليه وسلم) wuxuu yiri: “ nasabkiina ka barta wax aad raximkiina (qaraabo) ku xiriirisaan” . Ilaahay wuxuu yiri: “Isagu (Ilaahay) waa kii biyaha (manida – xawada) ka abuuray dad, kana dhigay mid nasab leh iyo mid xididnimo leh”. Ibnul-carabi wuxuu yiri: “Ilaahay addoomadiisa wuxuu ku galladaystay nasabka iyo xididka, wuxuuna kor u qaaday qadarkooda (qiimha nasabka iyo xididka)” .
Haddaba faa’iidada qabiilku waa in la isku aqoodo ee maaha in la isugu faano, waa in la isku xiriiriyo ee maaha in la isku gooyo, waa in la isku caawiyo ee maaha in la isku luggooyo, waa in la isku anfoco ee maaha in la isku dhibo, waa in khayrka la isugu kaashado ee maaha in sharka la isugu habarwacdo. Qaybaha dambe ee qormadana waxaynu ku arki doonaa siyaabihii islaamku uga faa’iideeyay qabiilka, ugana hortagey dhibaatooyinka qabyaaladda.
Xugunka sheegashada iyo ku abtirsiga qabiilooyinka
Mar haddii Ilaahay sheegay in ujeeddada qabiilooyinka la inooga dhigay ay tahay in aynu isku aqoonsano way caddahay in sharci ahaan ay bannaantahay sheegashada qabiilku, faa’iidana inoo ku jirto. Tan kale dhaqanka Rasuulkeena (صلى الله عليه وسلم
) iyo asxaabtiisa, iyo kan muslimiintuba wuxuu ahaa inay sheegtaan qabiilooyinkooda, qofkana lagu garto, looguna abtiriyo qabiilka uu ka dhashay. Intaa waxaa dheer in nabigeenu (صلى الله عليه وسلم ) reebay in qofku sheegto aabbe aan dhalin iyo reer aanu ka dhalan.
Waxaa laga yaabaa in dadka qaarkood is weydiiyaan mar haddii qabiilka wax uun dhibaato ah ka imaan karto maa gabigiisaba la joojiyo khayrkiisa ha isu qabee?. Mar haddaynu caddaynay faa’iidooyinka bulshada ugu jira qabiilooyinka, isla
markaasna diintu caddaysey xumaanta qabyaaladda, ayna si bareer ah u diiday ku dhaqankeeda waxaa habboon in la ogaado in wax kasta oo wanaagsan, dadkana faa’iido u leh ay diintu xalaalaysay, ayna jiraan dad si xun u isticmaala.
Tusaale ahaan: qofnakamaqarsoona faa’iidada daawadu leedahay, haddana qofkii ka badsada intii loo qoray (dosage) ama si khaldan u istcmaala dhibaato weyn bay u geysan kartaa, dadka qaarkoodna wayba u dhintaan. Canabku waa cunto macaan oo rabbigeen ina ku galladaystay, haddana dad baa khamro ka samaysta; sidaas oo ay tahay cidna ma dhahdo ha la joojiyo daawada iyo canabka. Haddii dariiqaas la furana wax kasta oo dadka waxtar u leh waa la joojinayaa; waayo dadbaa six un u isticmaala.
Xiriirka ugu adag ee isu haya muslimiinta
Muslimiintu sida Ilaahay iyo Rasuulkiisu inoo sheegeen waa wada walaalo, waana isku hal jir oo kale, waana isku naf, waxayna isu yihiin xigto isku leh jacayl, hiil iyo caawimaad. Xiriirka walaalnimo ee ka dhexeeyana waxaa saldhig u ah islaamnimada oo ah xiriirka ugu xoogga badan ee dadka dhexmara. Xiriirada kale oo dhanna way sii xoojinayaan xiriirkaas, haddii xiriirkaas go’ana xiriirada kale cidna wax u tari maayaan.
Eeg sida nabi Ibraahim bariuga noqday aabbihi markii uu hubsaday inuu cadaw Ilaahay yahay. Nabi Nuux markii wiilkiisu biyihii
ku halaagsamay oo uu Rabbi u baryeyna waxaa Alle ugu jawaabay: “isagu (wiilku) ka mid maaha ehelkaaga, wuxuuna sameeyay camal aan wanaagsanayn (gaalnimo)”.
Nabi Nuux iyo Nabi Luud labadoodii xaas oo gaaloobayna Ilaahay agtiisa waxba ugama aysan tarin, waxaana lagu yiri kuwa naarta galaya la gala. Fircown laftiisa markay xaaskiisii islaamtay Alle ayay ka bariday inuu jannada guri uga dhiso, fircown iyo camalkiisana uu ka badbaadiyo.
Waxyaabaha xoojinaya xiriirka muslimiinta
Diintu waxay ina fartay wax kasta oo lagu adkaynayo xiriirka walaalnimo ee muslimiinta ka dhexeeya, sida: salaanta, isu dhoollocadaynta, waji furfurnaanta, musaafaxada (gacanqaadka salaanta), hadiyada, naseexada, booqashadakan xanuunsan, raacista janaasadakan dhinta, caawintakan baahan, u hiilintakan la dulmiyo iwm.
Waxyaabaha dhaawacaya walaalnimada
Waxaa kale oo diintu ina ka reebtay wax kasta oo dhaawacaya ama waxyeelaynaya xiriirka walaalnimo ee muslimiinta u dhexeeya, sida: xanta, cayda, isugu yeerista naanaysaha xun xun, been-abuurka, isku dirka, xaqiraadda, xasadka, sharaf isugu faanista, nasab cayga, jeesjeeska, malaha xun, jaajuusidda, xataa waxaa la inoo diiday in haddii seddex la yahay labo gooni u faqdo; si aan kan kale qalbigiisa wax u galin. Taas waxay ku tusaysaa sida diinteenu ugu dadaalayso in walaalaha muslimiinta ah isu qalbi-fayoobaadaan.
Waxyaabaha goyn kara xiriirka walaalnimo ee muslimiinta ka dhexeeya
Xiriirka walaalnimo ee muslimiinta u dhexeeya waxaa goyn kara in la waayo wixii awal lagu walaaloobay oo ahaa islaamnimada, mana jiro wax kale oo sabab u noqon kara goynta xiriirka walaanimo. Qur’aanku wuxuu muujiyey qofkii xanta qof muslim ah inuu walaalki xantay. Labo kooxood oo muslimiin ah hadday dagaalamaana wuxuu muujiyey inay walaalo diriray yihiin. Qofkii diley qof muslim ahna inuu yahay qof walaalki diley. Taa macneheedu waxaa weeye inay walaanimadii islaamku
sideedii baaqi u tahay xataa haddii uu xantay walaalki ama la dagaalamay ama diley!, waase haddaanu xalaashan dhiiggiisa.
Siyaabihii nabigeena (صلى الله عليه وسلم) iyo asxaabtiisu qabiilooyinka ula dhaqmi jireen
Innaga (muslimiinta) waxaa la ina faray inaynu nabiga (صلى الله عليه وسلم) ku dayano, qabrigana cid kale la ina weydiin maayee isaga uun baa la ina oran maxaad ka taqaanaan ninkaan?. Waxaa kale oo rasuulku ina faray inaynu qabsano dhaqanka khulafada raashidiinta ah (Abuubakar, Cumar, Cuthmaan iyoCali).
Wuxuu kale oo sheegay kooxda aakhiro badbaadaysa inay tahay tan haysata waxa ay isaga iyo asxaabtiisu haystaan,
qarniyaashana ay u khayr badanyihiin kiisa, kan ku xiga iyo kan ku sii xiga ( waa xilliyadii ay noolaayeen asxaabta, taabiciinta iyo taabicuu altaabiciin); sidaa darteed baynu u soo bandhigaynaa wax ka mida siyaabihii rasuulka iyo axaabtiisu ula dhaqmi jireen qabiilooyinka, waxaana ka mid ahaa:
qabiilooyinka way ku abtirsan jireen, wayna sheegan jireen, dadka kalena way ku aqoonsan jireen, iyaga oo aan wax dhib ah arrimahaas ka dareemayn. Eeg magacyada asxaabta: Sahl ibnu Sacd Assaacidiyi, Abuu Muusaa Al-ashcariyi, Jariir Ibnu
Cabdillaahi Al-bajali, Salmaan Al-faarisiyi, Suhayb Arruumiyi iwm. Waxaa iyana dhici jirtay in rag asxaabta ka mida u hadli jireen qabiilooyinkooda, wayna u doodi jireen hadday wax tirsanayaan, ga