President Impeached.

Daily chitchat.

Moderators: Moderators, Junior Moderators

Forum rules
This General Forum is for general discussions from daily chitchat to more serious discussions among Somalinet Forums members. Please do not use it as your Personal Message center (PM). If you want to contact a particular person or a group of people, please use the PM feature. If you want to contact the moderators, pls PM them. If you insist leaving a public message for the mods or other members, it will be deleted.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

President Impeached.

Post by zingii »

I meant to say governor of Galmudug State got impeached.
Image
Barlamanka Galmudg oo Xilki ka qaday Madaxweynihii Maamulka Galmudug Maxamed Axmed Caalin
admin | Dec 01, 2011 | 0 comments
Madaxweynihii Maamulka Galmudug ayaa maanta laga qaaday xilka Madaxweynonimo ee uu ka hayay Maamulkaasi

Kadib kulan ay qaateen Mudanayaasha baarlamaanka ee maamulka Galmudug ayaa waxa maanta xilka looga qaaday Madaxweynihii maamulkaasi ee maxamed Axmed Caalin

Wararka inaga soo gaaraya koofurta magaalada Gaalkacyo ayaa waxa ay tilmaamayaan in maanta xilka laga xayuubiyay madaxweynaha Galmudug kadib markii lagu eedeeyay in uu soo dhameystiri waayay dastuurka iyo inuu baarlamaanka hor keeni waayay waxyaabo badan oo looga baahnaa inuu horkeeno baarlamaanka iyo waliba inuu Sameeyay qiyaamo qaran sida wararku ay inagu soo garaayaan.

————————————————

Info@kismaayo24.com



http://kismaayo24.com/wp-content/upload ... 2/bar1.jpg

http://kismaayo24.com/wp-content/upload ... /bar-2.jpg
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: President Impeached.

Post by AbdiWahab252 »

WAR DEG DEG: ABDIWAHAB AHMED ALI 'OO LO MAGACABEEY MADAXWEYNEHA GALMUDUG STATE

Barlamaanka Mamuulka Galmudug State ba gor dhow uu magacbeey Dr. Abdiwahab Ahmed Ali inu noqodo Madaxweyneha Mamuulka Galmudug State. Magacbiista Dr. Abdiwahab Ahmed Ali ba aad lagu soo dhaweeye Galkacyo. Tageeryasha Dr. Abdiwahab ba jiidadka Galkacyo buxiyeen iyaga uu socda Madaxtoyada. Waxa cabsi laga qaba inu Madaxweyne hore Caliin inu diido go'anka Barlamaanka.

Dr. Abdiwahab wuxu ka mid yahay jaaliyada Galmudug State oo dib ugu soo labteey Galmudug sanadki 2010. Wuxuna ka mid aha xubnaha aasey Mamuulka Galmudug State. Magacbiista Dr. Abdiwahab wuxu ku beegan yahay xili amni xumo ka jiidha Galmudug State. Dowlada Puntland ba walwal ka mujiisey magacbiista Dr. Abdiwahab Ahmed Ali oo lagu tuhunsada inu yahay nin mayl adag. Dowlada Federalka ba ila hada kaga hadlin isbedlka xukumada Galmudug State.

GALMUDUGNEWS www.galmudugnews.com/abdiwahab
arabmtu
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 662
Joined: Sun Nov 20, 2011 8:12 pm

Re: President Impeached.

Post by arabmtu »

AbdiWahab252 wrote:WAR DEG DEG: ABDIWAHAB AHMED ALI 'OO LO MAGACABEEY MADAXWEYNEHA GALMUDUG STATE
For a moment, I though that was you.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: President Impeached.

Post by zingii »

Is abdiwahab from the states or elsewhere in the diaspora, & are his pics available on the internet?
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: President Impeached.

Post by galia »

Aw, whats your view on this? Is it good or Bad?
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: President Impeached.

Post by AbdiWahab252 »

arabmtu wrote:
AbdiWahab252 wrote:WAR DEG DEG: ABDIWAHAB AHMED ALI 'OO LO MAGACABEEY MADAXWEYNEHA GALMUDUG STATE
For a moment, I though that was you.

Nah, not me.



Zingii,

Let me check.


Galia,

This is a good step. We need a change/
User avatar
galia
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 8785
Joined: Tue Mar 15, 2005 6:32 am
Location: 46464
Contact:

Re: President Impeached.

Post by galia »

AbdiWahab252 wrote:

Galia,

This is a good step. We need a change/
I agree :som: :up:
User avatar
AbdiWahab252
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 56715
Joined: Mon Jul 14, 2003 7:00 pm
Location: Unity. Strength. Capital.

Re: President Impeached.

Post by AbdiWahab252 »

Galia,


I am awaiting to see what Caliin does and where the Qaddriya side on this.
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: President Impeached.

Post by Cirwaaq »

AbdiWahab252 wrote:Galia,


I am awaiting to see what Caliin does and where the Qaddriya side on this.
I will remember him for this:

Image

To the New guy :up: if the suit fits.
User avatar
zingii
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9937
Joined: Thu Sep 11, 2008 2:43 am
Location: Agah, Arlee, Boowe, Gaw, Nooh.

Re: President Impeached.

Post by zingii »

Caalin refuses to step down and blames speaker of the parliament of the recent kidnappings inside punt-land
Baarlamaanka Galmudug oo xil-ka-qaadisa ku sameeyay Madaxweyne Caalin iyo madaxweynaha oo diiday

Jimco, December 02, 2011 (HOL) − Baarlamaanka maamul gobolleedka Galmudug oo kulan ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa ugu danbeytii galinkii danbe ee maalintii shalay waxaa ay ku dhawaaqeen in xilkii laga qaaday madaxweyne Max’ed Axmed Caalim.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamul gobolleedka Galmudug Xassan Max’uud Heeyl oo markii uu kulanka soo dhamaaday warbaahinta la hadllay ayaa sheegay in ay fadhiga soo xaadireen 17 mudane oo ka tirsan baarlamaanka kuwaasoo buuxiyay sida uu hadalka u dhigay tiradii rasmiga ah ee uu ku furmi lahaa baarlamaanka, isaga oo intaa ku darray in dhamaan intii fadhiday ay u codeeyeen in xilka laga qaado madaxweynaha.

"Markii hore 12 mudane ayaa mooshin ka keentay madaxweynaha, kadibna waxaa u fariistay arintaa iyada ah sadax u meel labo meel oo ka tirsan tirada baarlamaanku ka kooban yahay, iyaga oo dood dheer kadib isku raacay in xilka laga qaado madaxweyne Caalim, ayuu yiri,’’ guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug Heeyl.

Mar wax laga weydiiyay qodobada loo cuskaday xil ka qaadista madaxweynaha ayuu sheegay guddoomiyaha baarlamaanka in qodobada ugu muhiimsan ee xil ka qaadistiisa loo cuskaday yihiin arrimaha nabad-galyada oo uusan waxba ka qaban iyo waliba isaga oo ka biyo diiday dhowr jeer oo hore baaqyo loo jeediyo oo ahaa in uu baarlamaanka hor yimaado si su’aalo loo weydiiyo.

Laakiin dhinaca kale madaxweyne Max’ed Axmed Caalim oo isagana la hadllay warbaahinta ayaa ku sheegay talaabada uu baarlamaanku qaaday mid sharci darro ah, waxaana waxaana uu madaweynuhu diiday in xilkii laga qaaday.

"Waxaa ay ahaayeen koox gaar ah oo meel isku soo xirtay, xitaa dhowr jeer ayaa lala hadllay oo la yiri ka jooga arinkan waa ay diideen, waxaana u tagay xubno ka tirsan gollaha wasiirrada oo ay ka mid ahaayeen wasiirrka waxbarashada iyo kan madaxtooyada labadaba awood militari ayaa loo isticmaalay ayuu yiri,’’ madaxweyne Max’ed Axmed Caalim.

Mar uu soo hadal qaaday qodob-ka la xiriira dhinaca nabad-galyada ee lagu eedeeynayo in uusan waxba ka qaban ayuu sheegay madaxweyne Caalim in guddoomiyaha baarlamaanka laftirkiisa sabab u yahay amaan darrida ka jirta deegaannada maamul gobolleedka Puntland, waxaana uu ku eedeeyay in uu ka danbeeyay afduub-kii kol hore loo geystay shaqaalihii ajnabiga ahaa ee kooxaha hubeysan ka qafaasheen koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale madaxweynuhu waxaa uu been abuur ku tilmaamay tirada la sheegay in ay fadhiyeen kulankii uu yeeshay baarlamaanka Galmudug ee laga soo saaray go’aanka xilka looga qaaday, waxaana uu sheegay in tiradu intaa ka yareyd sidaa daraadeed aysan wax go’aan ah qaadan karin.

Sikastaba ha ahaatee, go’aanka uu gaaray baarlamaanka Galmudug iyo diidamada uu muujinayo madaxweyne Max’ed Axmed Caalim, ayeey dad badani u arkaan mid keeni karta cawaaqib aan wanaagsaneyn, iyada oo ay meesha ka muuqato in madaxweynaha iyo guddoomiyaha baarlamaanka uu ka dhaxeeyo khilaaf muddo dheer oo jiitamayay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
diini@hiiraan.com
Beledweyne, Soomaaliya
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “General - General Discussions”