Waxan kale oo aan idinku idhi ,haddaan ahay Sahangalbeed o ka soo jeeda beelaha reer Gabiley , inaynu la tartamayno cid walba anaga oo aan marnaba ku mar-marsiyoonayn dhaqaalo la'anta ina haysa iyo taarikhda Kulmiye ku leeyahay Somaliland oo si walba ino ga horeeya .
Kulan Garnaqsi ah oo Odayaasha iyo Dhalinyarada Reer Gabiley la yeesheen Muuse Biixi oo Is-Af-Garanwaa Ku Dhamaaday.
Garabka dhalinyaradda Kulmiye oo xalay Dusha ka saaray Burburka Maamulka Xisbiga ee Gabiley
Gabiley (Gabiley News):- Gudoomiyaha xisbiga muxaafadka ee Kulmiye Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo safar hawleed lagu dardar galinayo hawlihii shaqo ee xisbigaasi Kulmiye ku tagay Gobolka Gabiley ayaa kulano kala duduwan la yeeshay qaybo ka mid ah odayaasha iyo dhalinyarada oo maryo dhiig leh kala furtay.
Qado sharaf loogu sameeyay gudoomiyaha Kulmiye guriga golaha deegaanka Gabiley ayaa waxaa galinkii danbe bilaabmay kullamo gaar gaar ah oo intooda badani is af-garanwaa ku dhamaadeen, isagoo gudoomiyuhu subaxnimadii saakana safar ay la socdeen Ciidan badan oo boolis ahi ugu ambabaxay magaalada Wajaale.
Dhalinyaradii xisbiga Kulmiye uga ololayn jiray gobolka Gabiley oo markii ay madaxtooyada galeen lagu ilaaway halkii ay taagnaayeen in badana sugayay inay la kulmaan madaxwayne Siilaanyo iyadoo qaar ka mid ah Xukuumada ee kasoo jeeda gobolka Gabiley geed dheer iyo mid gaabanba u fuuleen sidii aanay ula kulmi lahayn Madaxwaynaha.
Badhasaabka Gobolka Gabiley oo ka shakisanaa inay Muuse Biixi kala hadlaan arimaha maamulka gobolka oo baryahan danbe ka muuqday Saluug xad dhaaf ah, ayaa habeenkii xalay ahaa si wayn uga hawl galay inaanay kulmin Muuse Biixi iyo Garabkii dhalinyarada ee xisbiga Kulmiye wakhtigii ay doorashada ku jireen.
Garabka dhalinyaradda Kulmiye oo xalay Dusha ka saaray Burburka Maamulka Xisbiga ee Gabiley iyo ka gaabsiga xukuumadda ku samaysay dhalinyaradii taageeridda badan usoo hoysay oo sheegay in loola dhaqma sidii dad mucaarid ku ahaa xisbiga kulmiye iyada oo kulankii xalay lagu kala kacay isla markaana saaka dib loogu yeedhay dhalinyaradaasi oo Xaal marin hadal ah laga siiyay wixii kala qabsaday iyaga iyo Maamulka Xisbiga.
Cuqaasha iyo Waxgaradka Gabiley oo shalay si gooni gooni ah ula kulmay Muuse Biixi ayaa dusha ka saaray Dhaliisha xukuumadda ay doorteen iyo doorka uu kulmiye ku leeyahay wax ka qabashadda tabashooyinka Bulshadda iyadda oo kulankaasi aanay ka soo bixin natiijo fiican oo damin karta Tabashooyinka Gaamuray ee Gabiley u hayso kulmiye.
Ilo xogogaal ahaa oo ku dhawaa kulanka Muuse iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada Gabiley ayaa waxay tibaaxeen in Dhalinyaradda iyo Wax garadka Gabiley ay Muuse Biixi u sheegay in aanay Maanta ku Soo dhawayn Kulmiye jacayl balse ay Wada dhalasho iyo Walaltinimo u soo dhaweeyeen Muuse Biixi laakiin aanay Wax Rajo ah ka qabin XisbigaTalada haya ee kulmiye oo Reer Gabiley u arkaan inay ku khasaareen balanqaadyadda isdaba jooga ah ee beenoobay.
Dhinaca kale Gudoomiyaha kulmiye oo la filayay inuu safarkiisa ku gaalaa bixiyo degmooyinka Gobolka ayaa si kadis ah uga soo noqday Degmada Wajaale ka dib markii uu waji gabax kala kulmay Jawigii soo dhawayntiisa ee Wajaale isla markaana si kadis ah ugu laabtay Magaalada Hargeisa.
Qaar ka mid ah Dadwaynaha u dhuun daloola Siyaasada Xisbiga kulmiye ayaa ku tilmaamay ka biyo diidka muuse Biixi ee Tagitaanka Degmada Allaybaday in ay ka danbayso Loolanka siyaasadeed ee ka dhexeeya isaga iyo Gudoomiye ku Xigeenka koowaad ee Golaha wakiiladda C/casiis Samaale oo Taageeradda Degmadda ka haysta isla markaana ay ku tilmaameen in aanu xiiso badan u qabin degmadda maadaama lagaga Awood badanyahay halkaasi.
Soo guryo Noqoshadda Gudoomiyaha Kulmiye Muj.Muuse Biixi Cabdi iyo Saluugii Dadwaynaha Gabiley ayaa keenay inuu Rajo la,aan kaga noqday Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye guud ahaanba Gobolka Gabiley.
Kuwaasan soo guranaya anigu

SSC , midnimo hoygeeda iyo hiil bay nabadda u yihin![]()
