Ambassador Maxamed Axmed Nuur (Indho-buur), Ilaahay naxariistii Jannadii ha ka waraabiyee waxa uu dhintay oo la aasay shalay oo ay taariikhdu ahayd November 20keedii, 2011 magaalada Nairobi ee waddanka Kenya, halkaasoo uu muddo ku jiray Dhaktar ku yaalla magaalladda Nairobi. Wuxuu ahaa wakiilkii (Ambassadorkii) u fadhiyey Somaliland waddanka Kenya. Haddaba iyadoo lagu jiro tacsida marxuumka Ilaahay naxariistii jannaddii ha ka waraabiyee; waxay dadka aan aqoonin marxuumku is weydiinayaan; Kumuu ahaa Amb.Maxamed Axmed Nuur Indho-buur?
Waxaan markii ugu horeysay la kulmay marxuumka 2003dii markii lay badelay waddanka Kenya ee aan ka shaqeeynaayey. Waxaanu noqonay dad aad isugu dhow oo weliba saaxiib ku noqday qadiyadda Somaliland oo uu meel adag ka taagnaa isaga iyo koox kale oo asal ahaan ka soo jeeday Somaliland oo degganaa waddanka Kenya. Amb. Maxamed Axmed Nuur wuxuu ku dhashay magaalada Bangoma ee gobolka Rift-Valley ee wadanka Kenya xilli ku dhow bilowgii 1960kii. Wuxuu tacliintii ku soo qaatay waddanka Kenya. Wuxuu xillal muhiim ah ka soo qabtay xukuumaddii hore ee waddanka Kenya ee uu madaxweynaha ka ahaa Daniel Arap Moi. Madaxweyne Moi iyo marxuumku waxay ahaayeen saaxiibo. Wuxuu saaxiibo adag ku lahaa waddanka Kenya. Xataa waxa jirtay in uu muddo kooban ka soo shaqeeyay warshaddii Mareeray oo uu Jaggo sare ka soo qabtay. Ka dib markii uu Kenya ku soo noqdayna wuxuu noqday baayacmushteri.
Xilligaasi aanu ku kulanay Kenya ee 2003dii ayaanu qadiyaddii Somaliland ka wada bilownay waddanka Kenya aniga, isaga iyo rag kaloo faro baddan oo nool oo joogga waddanka Kenya maanta. Xilligaasi waxa waddanka Kenya ka socday shirkii lagu heshiisiinaayey dawladii kumeel gaarka ahayd ee Soomaaliya. Xilli adag bay ahayd oo culeysku saarnaa Somalia. Waxaan ka xasuustaa geesinimaddii Amb Indho-buur sida uu mar walba ugu heelanaa dedaalka arrimaha Somaliland anagoo ku shiri jirnay gurigayga si aanu ugu horumarino qaddiyada Somaliland, xafladona ku sameeyn jirnay, maqalana ka qori jirnay sida dadka badankoodu ka dheregsan yahay. Ka dib safarkii uu madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo wafdigiisii noogu yimaadeen magaalada Nairobi 2006dii ayaa uu Amb Indho-buur door laxaad leh ka cayaaray. Wuxuu si hagar la´aan ah ula soo shaqeeyay wasiiraddii wafdiga madaxweynaha la socday sida Cawil, Edna, iyo Ducaale. Intayaddii caawinaynay wafdiga iyo jaalliyaddii reer Kenya dhamaantood waxay ku qanciyeen madaxweyne Daahir Riyaalle inuu wakiil rasmiya sameeyo oo weliba Amb Indho-buur ka dhigo. Codsigii wuu naga aqbalay madaxweynaher Riyaale oo wuxuu wakiil rasmiya noqday 2006dii, halkaasoo uu xukuumaddii madaxweyne Siilaanyana kala sii ambaqaaday.
Xataa ka dib markii wakiilka laga dhigay wuxuu soo dhoweyn iyo taageero siin jiray xisbiyadda mucaaridka ahaa xilligaasi sida Kulmiye iyo UCID marka ay waddanka Kenya booqasho ku yimaadaan, taasina waxay dhaxalsiisay in wakiilnimadiisii uu u sii ansixiyoMadaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Wuxuu ahaa shakhsi daacad ah oo in badan wax ka taray arrimaha Somaliland iyo inaynu waddanka Kenya sumcad ku yeellano. Marxuumku wuxuu ahaa shakhsi adag oo ku dhac leh iyo mabda cad, oo qadiyadda Somaliland ay ku dheer tahay. Wuxuu ifka kaga tegay gabadh yar oo ilaa 14 jir ah iyo hooyadeed Caasha Xaashi. Dhamaan qoyskiisii, ehelkiisii, iyo shacbiga Somaliland iyo Kenya waxaan leeyahay samir iyo iimaan, isagana waxaan Ilaahay uga baryayaa inuu naxariistii jannaddii ka waraabiyo. Inaalilaahi waa inaa ileyhu raajicuun.
Qalinkii: Jamaal Cali Xuseen,
Dar Es Salaam, Tanzania
KUMUU AHAA AMB. MAXAMED AXMED NUUR (INDHOBUUR) AUN
Moderator: Moderators
- ChiefAaqil
- SomaliNetizen
- Posts: 526
- Joined: Mon Nov 15, 2010 1:41 pm
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 4 Replies
- 17556 Views
-
Last post by buunsho
-
- 1 Replies
- 1036 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 3 Replies
- 1064 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 0 Replies
- 477 Views
-
Last post by xaliye123
-
- 11 Replies
- 2483 Views
-
Last post by Murax
-
- 1 Replies
- 650 Views
-
Last post by Bohol iyo karaman
-
- 11 Replies
- 2099 Views
-
Last post by JSLBerbera
-
- 62 Replies
- 5124 Views
-
Last post by hargaysaay
-
- 0 Replies
- 196 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier