Somali words of "hindi/ cadani " origin
Posted: Sat Dec 03, 2011 12:30 pm
Siciid Cawaale {gabiley.net}
Socdaal aan dhawaan ku tagay magaalada Cadan ee dalka Yemen iyo magaalada Bombay ee dalka India ayaa waxaan ku kulmay ereyo inta badan aan u haystay af soomaali, balse aan ogaaday in ay yihiin Carabi iyo af Hindi iyo af Ingriisi.
Ereyadan ayaa ah kuwa inta badan laga adeegsado dhulka ay soomaalidu degto gaar ahaan Somaliland iyo Djibouti.
Hadaba haddii aan tusaale u soo qaato, magaalda Cadan waxay ka mid tahay magaalooyinka saldhiga u ahaa gumaysigii Ingiriiska, waxaanay taasi keentay in ka sokow dadka carabta ah ee ku noolaa ay la soo degaan qowmiyado kale oo uu ingiriisku gumaysto, sida Soomaalida iyo Hindida. Waxaana jira xaafado weli sita magacdii ay Soomaalidu u bixisay, Sida xaafadda Sh Isxaaq, Xaafadda Qalloocan, Xaafadda Xaafuun.
Lahjadda looga hadlo magaalada Cadan ee af carabigi ah waxaa loo yaqaanaa Cadani, waxaana ku jira ereyo badan oo ku jira af Soomaaliga kuwaasi oo la iigu sheegay in ay asalkoodu af Hindi tahay.
Hadaba haddii aan tusaale u soo qaato qaar mid ah ereyadaasi iyo macnohooda waa kuwan:-
Bundad: Xidhmo
Baana-hays: biyo qabow amma cabitaan qabow
Baanad: qalab baaburta lagu furfuro
Baagiye: cunto la cuno oo daqiiqda laga sameeyo
Baabuur: Gaariga la wato
Rooti: Roodhi amma furunka la cuno
Shamiis: Shaati amma Shaarka la xirto
Dekad: Marsada Maraakiibta amma Jidka la maro
Miis: Qalabka wax la saarto ee kursiga la socda
Raashin: Cunno
Saabaan: Alaab
Keenshale: Dhar ay dumarka laabta ku xidhaan
Googarad: Dhar kale oo ay dumarku xidhaan
Cusheer: Cunto lacuno oo macmacaanka ka mid ah
Shootali: Dun adag amma Jawaanka dunta ka samaysan
Doobi: Dhar maydhaha
Kurjad: Alaab badan amma wax is watta
Shaadir: Jilbaab amma marada dumarku hagoogtaan
Kaladh: Raqabadda Shaadhka
Sarkaal; Mas'uul amma taliye
Kildhi: Weelka shaaha lagu karsado
Laangadhe: Qof lugta wax ka qaba
Bangalo: nooc guryaha ka mid ah
Bandarad: Dhisme dabaq ah
Hagbad: Lacag la iska ururiyo amma ayuuto
Dismis: qalb kale oo baaburta lagu furo
Karraani: Shaqaale Xafiis
Dirawal: Wade Baabur
Makhal: meesha lacagta lagu bixiyo
Kuuli: Shaqaale dhismo
Geerash: goobta baaburta lagu hagaajiyo
Qureec: cuntada aroorta la cuno
Basbaas: Xawaash kulul oo cunada lagu darsado
Duqad: hilibka la shiiday
Badrad: Kibir
Curri:bisadda amma mukulaasha labka ah
Xafiis: goob shaqo
Dhakhtar: diktoor amma goob caafimaad
Basali, Xabxabi, Zaytuuni: qaar ka mid ah magacda midabada
Saani: toos
Jambal, amma Sandal: Kabo la xidho
Saanfuur: nabaro wajiga ka soo baxa wakhtiga kulaylaha
Sanuunad: Suugo cuntada lagu darsado
Sekkad: dhismayaal isku xidhan
Buuri: Tubaako
Huuri: Doon yar
Cuwaaf: raashin galabtii la cuno amma sahay
Xaafad: Deegaan amma hoy
Fataatiir: shay caruurtu ku ciyaarto
Shaaqi; Shaqaale
Intaas ayaa qorlaakn ku soo koobayaa, waxaana xigi doona mid kale oooo aan ku eegi doono ereyada af soomaaliga ka mid noqday ee luqada Igiriiska iyo carabiga laga soo dheegtay.
Haddii ay jiraan erayo kuwan la mid ah oo aad maanka ku hayso fadlan nala wadaaga anaga iyo akhristyaasha.
Mahadsanidiin